Donald Trump Oo Rag Cunsuriyiin Ah U Xushay Inay Qabtaan Xilal Sare
November 21, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweyne la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa magacaabay saddex xil oo muhiim ah oo ka mid noqon doona maamulkiisa cusub.
Trump ayaa wararku waxa ay sheegayaan inuu senator-ka Jamhuuriga ah ee gobolka Alabama, Jeff Sessions u magacaabay inuu noqodo Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Mareyanka.
Trump ayaa sidoo kale Mike Pompeo u magacaabay inuu noqdo agaasimaha guud ee hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da, halka General Mike Flynn uu u magacaabay la-taliyaha amniga qaranka.
Trump si rasmi ah ugumu dhowaaqin magacaabista uu sameeyey, hase yeeshee ilo-wareedyo dhowr ah iyo warabaahinta Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday.