berberatoday.com
Ganacsade Kasoo Jeeda Beesha Madaxweyne Siilanyo Duleedka Dekada Berbera Dekeda Ka Samaysanaya Kuna Sheegay Hutel Badana Ciida Iyo Dhagax Ka Buuxiyay Iyo Saamaynta Ay Ciida Bada Lagu Shubayaa Ku Yeelan Karto Dekeda Iyo Heshiiska Shirkada DP World
November 21, 2016 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Magaalad Berbera oo sanadihii u dambeeyay ay ka dhaceen arimo badan oo xasaasi ah ka dhaceen ayaa mudooyinkii udambeeyay u muuqday mid xasiloon.

Waqtiyadaa Ay Kacsanaayeen Xiisadahu oo Wajiyo Badan Lahaa  Ayaa Rag Badani Uga Fa’iidaysteen Si Shaqsi ah Waxyaabihii Danta Guud Ahaa ee uu Baahnaa In La Illaaliyo.

Shirkada Loo Yaqaano XARBI oo  Xaruntooda Ugu wayni tahay Berbera Ayaa Si Qaldan  Uga Faa’iidaysatay Bugcad   Dhul Badeed ah oo Khatar Ku Ah Dekada Berbera, Taasi oo ay u suuragalisay Garab Ay Ka Heshay Madaxtooyada Somaliland.

Waa Markii Ugu Horaysay ee Taariikhda Xukuumadi

Bixiso Ogalaansho in Dekada Berbera iyo Saldhiga Ciidamada Bada  Agtooda Laga Bineeyo Dhisme Leh Dekad, Waxaad Indhahaaga Ku Arkaysaa Laashashkii Bada Dhexdeeda yaalay oo Sidii Buuxinta Loo waday Xiligan Badhtamah u Yaala Dhulbanaan

 Goobtan oo Aad Ugu Dhaw Labadaa Bugcadood ee Dekada iyo saldhiga Ciidanka Bada, Waxaanay u Jirtaa Wax Ka Yar  {1500m} Inta U Dhaxaysaa.

Khabiir Ka Tirsan Dekada Berbera oo Ka Gaabsaday In Magaciisa La Qoro Ayaa Arinkan Ka Hadlay  Waxaanu  Sheegay in Mudadii La Waday Dhismahan Ina XARBI  ee U Buuxinayay Bada  In Ciid Badani Aastay Dhiibkii Dekada Berbera Hadana Ay Halis Badani Ku Jirto Maraakiibta Waawayn ee Kusoo Xidhata Dekada Berbera oo Rawaasadoodu Markiiba Ciid Afka La gasho.

Khabiirkan Ayaa Ku Talinaya In La Joojiyo Ciidaa Wali Lagu Buuxinayo Bada oo Hada Socota, Waxaanu Sheegay in Arinkani halis Ku Yahay Dekada Berbera oo Aan Lahayn Xafaarad Ciida Ka Qoda Dhiibka Dekada.

Dhanka Kalena Wuxuu Tilmaamay  Xaga  Amaanka o Aan Sugnaan Doonin Waayo Maraakiibta Bada Joogta iyo Kuwa Ku Xidhan Dekaduba Ill Gaara Ayay Iskaga eegi Doonaan Dihismahan iyo Dekadan Shicibku Yeelan Doono.

Xaqiiqdiina Wararka La Helayo Ayaa Sheegaya In Arinkani Yahay Gardaro Garab Og oo Qaranimada Somaliland Wax u Dhimaysa Waxaana La Sheegay in Mareeyihii Hore ee Dekada Berbera uu Hor Istaagay Dhismahan Laakiin Lagu Amray in u faraha Kala Baxo, Dabcana Duqa Degmada Berbera Ayaa isana Lagu Amray in Aanu Eegin Soona hadal Qaadin Arimaha Ganacsade Ina XARBI ee Ku Wajahan Dekada Sharcidarada ah ee u Dhisanayo.

Ganacsade Xarbi iyo Shirkadiisu Inta Badan Waxay Ku Hawlan Yihiin Sidii ay u Boobi Lahayeen Dhulka danta Guud, Dhawanta Ayay Ahayd Markii u Dhagxaan Ku Rogtay Barxada wayn ee Kasokaysa Guriga Madxtooyada Berbera Halkaasi oo ah Wado Xooluhu u Maraan Dekada Berbera, Sida La Sheegayna Wuxuu Lasoo Baxay Waraaqo u Leeyahay Madaxwaynahaa Isoo Siiyay Dhulkan Hore Wuxuu u Qaatay xaruntii Kaluumaysiga ee Berbera  NECK FISH.

Xaruntan ayaa Marka aad La sheekaysato dadaka shaqaynayaa kuu sheegayaan in laga dhigaayo Hutel Cunto iyo hurdo oo shirkadaasi yeelan doonto balse marka aad ukuurgasho siday wax usocdaan ayaa waxa ay u eegtahay Deked rasmiya oo dhismaheeda si hoose loo wado iyada oo lagu gabanayo Hutel iyo xarun kaloo ganacsi.

Sidoo kale dhismaha Dekedan Shirkada Alxarbi ka dhisanayso goobta masaafada kooban ujirta marsada caalamiga ah ee Berbera iyo Saldhiga ciidamada Bada ee Berbera ayaa saamayn xoogan oo dhinaca amniga ah ku yeelan karta goobahaasi qaranka mihiimada weyn ugu fadhiya sidoo kale waxa ay iyana saamayn xoogan oo dib ugurasho ku yeelan kartaa heshiiska kireynta Dekeda Berbera ee shirkada DP World

Goor Dhawna Daawo Muuqaalka Dekada Ina Xarbi Dhisanayo

 

 

Berberatoday.com

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews