berberatoday.com
Laascaanod”Magaca Hooyo Uu Seygeedu Toorey Qudha Kaga Jaray Toori Iyo Nin Madaxa Bir Lagala Dhacay Oo Dhaawaciisa Hargeysa La Keenay
November 21, 2016 - Written by Berbera Today

Laascaanood(Berberatoday.com)-Alle ha u naxariistee Marxuumad Magaceedu ahaa Aamina Cabdirisaaq, ayaa ku geeriyootay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, ka dib markii sida la sheegay uu Ninkeedu dhowr meelood ka geliyey Toorey.

Marxuumadda oo Afar Carruur ah u dhashay Ninka Alle ku sababay ee Tooreyda ku dilay, ayaa la sheegay inay Qudh-baxday, ka dib markii Ninkeeda oo Magaciisu yahay Ciise Ibraahim Ciise uu illaa 13 Jeer ku dhuftay Toorey.

Ciidammada Booliiska Magaalada Laascaanood oo Dedaal dheer u galay soo qabashada Gacan-ku-dhiiglaha dilay Xaaskiisii, ayaa Shalay ku guuleystay oo gacanta ku soo dhigay isla-markaana ku xidhay Magaalada Laascaanood, si sharciga loo hor-geeyo oo ciqaabtiisa loo mariyo, sida uu Warbaahinta u xaqiijiyey Taliyaha Qaybta Booliiska ee Gobolka Sool Ibraahim  Jaamac Daad.

Taliyuhu waxa kale oo uu sheegay inay isla Shalay soo qabteen Nin ku eedaysan inuu Madaxa bir kaga dhuftay Nin kale gudaha Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ee Somaliland.

Ninka Shalay la qabtay, ayaa Ninkii uu Madaxa dhaawac ka gaadhsiiyey waxa Xaaladdiisa Caafimaad lagula tacaalayaa Magaalada Hargeysa oo la keenay markii dhaawacu soo gaadhay, sida ay ku warrameen Weriyeyaasha ka hawl-gala Magaalada Laascaanood.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews