Murrashax Wadani Cabdiraxmaan Cirro Oo Ka Hadlay SAWIR Dood Ka Dhex Abuuray Bulshada Tageerta iyo Kuwa Ka Soo Horjeeda.
November 21, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Musharaxa Madaxwayne ee Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa tafaasiil ka bixiyay Sawir baraha bulshada si wayn loogu Falanqeeyay oo laga soo qaaday isagoo Neef Riyo ah biyo Waraabinaya.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo Shalay u Warramay Warbaahinta, ayaa la waydiiyey Sawir muujinaya isagoo Waxar-yar qoorta Haya oo ku qulaaminaya Biyo ku jiray Caagadda Moysixo ah, waxaanu ku jawaabay, “Gabadh waraabinaysa Waxartaasi ayaan arkay, kadib waxaan isku dayay inaan caawiyo, waxayna ka mid ahayd dadkii iyo xoolihii aanu booqanay ee u baahnaa taageerada”ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro waxaanu intaasi ku ladhey “Sawirkaas maan arkayn markii Warbaahintu qaaday (I Sawirtay).”
Sawirkan ayaa toddobaadkii u dambeeyay baraha bulshadu ku wada xidhiidho si wayn loogu falanqeeyay iyadoo dadka qaar ku macneeyeen in Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro safarkiisu ahaa mid sawirro ah, balse Taageerayaasha xisbiga Waddani ayaa iyaguna dhinacooda ku doodayay in Guddoomiyahooda markii sawirkaasi laga qaaday uu gargaar u fidinayay Ceesaan yar oo harraadanayd.