berberatoday.com
Olole Gacan ku Rimis Ah Oo Lagu Burburinayo Shirkii Adhicadeeye Iyo Awrboogays Oo Gudub Ordaya Safarka Madaxweyne Siilaanyo Ku Marayo Gobolada Bariga
November 21, 2016 - Written by Berbera Today

koore-iyo-baasheHargeysa(Berberatoday.com)-Tan iyo wixii ka dambeeye markii uu qabsoomay Shirkii Awrboogays Cuqaasha Maxamuud Barri waxay isu bedeleen niman mushahaari ah oo bishii 300 oo dollar ka qaata Madaxtooyada Somaliland. Badankoodu waxay tageen Hargeysa oo soo gacan mariyeen, waxay ka tageen wadatashigii Beesha iyo adeegyadii ay u qaban jireen. Telefoonadooda oo uu ku sameysan yahay adeega ZAAD ayaa Madaxtooyada yaal, waxayna isu bedeleen niman shaqaale ah oo markii la doono loo yeeri karo, markii la rabo waraaqo laga saxeexdo. Bishan lacagtii looma soo diran, sababtoo ah waxaa la sheegayaa in la rabo in meel laysugu keeno oo Madaxweyne Siilaanyo kula shiro, waxaana la hadal hayaa in Degmada Xuddun loogu yeerayo. Wararkii ugu dambeeyeyna waxay sheegayaan inay sugayaan Noolkii ay Xuddun ku tegi lahaayeen, iydoo cuqaasha Jaamac Siyaadna lagu soo darayo. Ujeedada shirkan Xuddun ayaa lagu sheegayaa dhowr qodob oo ay ka mid yihiin; In Muuse Biixi la tuso cida codka Maxamuud Garaad gacanta ku haysa, si uu ugu go’aaan qaato cida Xisbiga Kulmiye Gudoomiyaha ka noqon doonta Isaga dabadii. In Baashe Cali Jaamac oo iminka Hargeysa lagaga tegay oo ay xoog isu hayaan Maxamuud Xaashi la tuso inaanu waxba ka ahayn Maxamuud Garaad dhexdiisa, waxaana la hadal ahayaa in soo noqodka lagu bedeli doono Xuseen Aadan Cade. Iyo in hoos loogu dhigo gorgortan Khaatumo. Haddii ay dhacdo in Xukuumada Somaliland ay odayaashan shaqaalaha u noqday Xuddun isugu keento, waxaa cadaanaysa inaan Madaxweyne Siilaanyo u socon eegista dhibaatada abaaraha ee u Gobolka u yimid muraad gaar ah oo uu ka fushanayo Cuqaal ku sheega Maxamuud Barri. Sidoo kale Saaka waxaa Hargeysa ka baxay qorax-joogtii Sool iyo Sanaag oo ilaa caawa Laascaanood ku beegan. Qorax-joogtu waa xubno ka soo jeeda Gobolada SSC oo isugu jira Xildhibaano, odayaal iyo dad kale oo markii degaamada Muraad laga yeesho faraha wax loo saaro oo layska horeysiiyo. Tani waxaa ay Cadaynaysaa Khilaaf Xoogan oo u dhexeeya wasiirka wasaarada Biyaha Mudane Baashe Cali Jaamac iyo Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi cabdi kuna aaadan Talada deegaamada beesha Maxamuud Garaad iyo Fulinta Qorshayaashii kasoo Baxay Shirarkii Adhicadeeye iyo Awrboogays oo Aan la meel marin isla markaana Madaxtooyadu indhaha ka laabatay Dhinaca kale Wasiirka Wasaarada Biyaha Mudane baashe Cali Jaamac Ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa uu ku leeyahay facebook waxaa uu kaga hadlay Khilaafka u dhexeeya Isaga iyo Wasiirka Madaxtooyada waxaana uu yidhi Waxaan Ka Xumahay In Wasiirka Madaxtooyadu Maxamuud Xaashi Uu Geed Gaaban Iyo Ku Dheer U Fuulay Sidii Uu U Burburin Lahaa Shirkii Awrboogays Iyo Kii Adhicadeeye. Taasi Maaha Kaliya Amlay(Tooray) Uu Madaxweynaha Dhabarka Kala Dhacayo Ee Waa Mid Uu Qaranmida Somaliland Na Dhabarka Kala Dhacayo.

 

 

Xigasho Laascaanod.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews