berberatoday.com
” Taakuladaasi waa Amaano Dadbaa bixiyey, Sadaqad Weeyaan Waxa Loogu Tallo Galay Dadkaa Tabaalaysan, wax Reero iyo Jilibo loo Qaybsanayo Maaha.” Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi
November 21, 2016 - Written by Berbera Today

” Taakuladaasi waa Amaano Dadbaa bixiyey, Sadaqad Weeyaan Waxa Loogu Tallo Galay Dadkaa Tabaalaysan, wax Reero iyo Jilibo loo Qaybsanayo Maaha.” Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi
Oodweyne(Berberatoday.com)- ” Waftigan Madaxweynuhu hogaaminayey ujeedada socdaalkiisu waa in xaalada abaarta ee gobollada dalka qaybo ka mida, gaar ahaan intii badnayd ku dhacday loo kuur galo, xogo balaadhan laga ururiyo ayey daaranayd.
Waxa kale oo muhiim ah in wixii gurmad maanta la soo qaybiyey in la soo guryo geeyo. Sidoo kale ujeedooyinka socdaalkagaya waxa ka mida in aanu u kuur galno wixii yaraa ee la soo gaadhsiiyey halkan Oodweyne iyada lafteeda sidii loo qaybiyey in la ogaado. 
 
Waayo waa inay jirtaa la xisaabtan, guddiyada abaaraha ee gobollada anaga oo u wada mahad naqayna sida ay hawsha u wadaan ee deegaanada kala duwan, hadana waxaasi waa amaano dadbaa bixiyey, sadaqad weeyaan waxa loogu tallo galay dadkaa tabaalaysan, wax reero iyo jilibo loo qaybsanayo maaha, waa in waxaasi dadkaa gaadhaan.
Dad badan ayaa aad u shaqeeyey meelo badan ayaa war aad u wanaagsan laga keenayaa, laakiin meelaha qaarkood warar aan wacnayna waa jiraa oo sheegaya in tuulo la geeyey xoogaa raashin ah in la yidhi afarteenii jilib inoogu qaybiya. mana aha sidaa, dadka inta tabaalaysan haday qoys qudha yihiin inta tabaalaysana ayaa la siinaya,  gobolladana gobolo loogu qaybin maayee siday u kala dhibaato badan yihiin ayaa wax loogu kala qaybinayaa, siyaasada guddiga taakulaynta abaaruhu waa sidaa. 
Waxa kale oo aanu u soconaa in aanu dadweynaha ku dhiiri galino inay ILAHAY baryaan oo ay is cafiyaan oo ay xuquuqdooda isu celiyaan, oo isu naxariistaan oo is caawiyaan, maaha oo kaliya in ay yaqiintu inaga yaraato oo aynu eegno oo kaliya gacan bini-aadam oo dibad inaga imanaysa. oo aynu nidhaa maxaa reer Galbeed ina siinayey? Iyo maxaa Carabi soo wadaa? maaha sax. 
ILAHAY ayaa (SWT) ka dhow waa inaynu isaga cuskanaa, waxa kale oo muhiim ah inaynu inaguna is caawino, dad badan ayeynu nahay, dad badan ayaa ladan, waa inaynu wax kala goosan karnaa, waa inaynu naf qaybsi samaynaa. Sadex boqol oo kun oo qoys ayaa la qiyaasayaa in dadka ay abaaruhu imika hayaan inay yihiin , dadkaa hadaynu nolol maalimeed u samayno, bishii qoyskii 60$ ilaa 70$ doolar ayaa ku baxaya, oo geeri ka samata bixin karta xarago maaha, waa halkii la odhan jiray ” Nafta dooji maahee xarago laga dawaaree” waxa weeye sideed iyo toban ilaa labaatan milyan oo doolar, (18 000 000$ – 20.000 000$) waa wax weyn marka sidaa loo sheego laakiin marka shacbigeena loo eego ee aynu kala qayb sano waa wax yar.” 
 ALLAH Abaarta ha inaga Jabiyo.
Guul Somaliland.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews