Wareegi Kowaad Ee Doorashada Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Dalka Fransiiska Oo Soo Dhamaatey Iyo Musharaxiinta Iskugu Soo Hadhey
November 21, 2016 - Written by Berbera Today
Paris(Berberatoday.com)-Labo nin oo hore xilka Raisul wazaaraha kasoo qabtay dalka Fransiiska
ayaa wareega labaad ku tartami doona si go’aan looga gaadho Musharaxa doorashada sanadka dambe ugu tartami doono xisbiga midigta dhexe.

Francois Fillon and Alain Juppé ayaa kala noqday Musharaxa kowaad iyo kan labaad ee doorashooinka xisbiga Republikanka.
Madaxweynihii hore ee dalka Fransiiska Nicolas Sarkozy ayaa isagu na meesha ka baxay , kaddib markii uu noqday qofka sedexaad , Waxaana uu kamid ahaa Murashixiintii taageerada u fidiyay Mr Fillon si uu uso gallo wareega labaad ee codbixinta axada dambe dhici doonto.