berberatoday.com
Beesha Caalamka Oo Walaac Ka Muujisey ‘Musuqmaasuqa Doorashooyinka Soomaaliya’
November 22, 2016 - Written by Berbera Today

Muqdisho(Berberatoday.com)-Beesha Caalamka ayaa ugu baaqday xubnaha Madasha Hoggaanka Qaran inay awooddooda iyo saameyntooda adeegsadaan si ay uga hortagaan falalka ay beeshaa calaamka ku sheegtay ku takrifalka iyo caddaalad darrada hareeyay hannaanka doorashada.

WLAC

“Falalkan waxaa ka mid ah kadeedidda iyo cagajugleynta loo geysto musharaxiinta, ku feegaaridda liisaska ergada iyo musharaxiinta, iyo adeegsiga ciidammada amniga iyo hantida kale ee dowladda si musharax baarlamaan loogu roonaado loogana hormariyo mid kale”. ayaa lagu yiri war qoraala h oo ay si wadajir ah u soo saareen Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-goboleedka IGAD, Dowladaha Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, Boqortooyada Midowday ee Britain.

Wararka qaar ayaa sheegaya in codadka ergada la iibsanayo halka qaar ka mid ah ergadana loo diiday inay ka codeeyaan meelaha qaar.

Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa sheegay inuu soo gaaray cabashooyin la xiirara hannaanka doorashooyinka.

Doorashada Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ayaa ka socota shan magaalo.

Geedi-socodka cakiran ee doorashada Soomaaliya

Soomaaliya: Doorashada Aqalka Hoose oo socoto

Xooga dalka Soomaaliya ma jabin karaan Alshabaab?

In ka badan 14,000 oo ergo ayaa ka qeybqaadanaya doorashada 275 xubnood oo uu yeelan doono aqalka Hoose. Ilaa iyo haddana in ka yar kalabar ayaa la soo xulay.

Baarlamaanka maamul goboleedyada ayaa iyaguna dooranaya 54-ta xubnood ee aqalka sare. Doorashada xubnaha aqalka sare ayaa inta badan la dhameystiray.

“Arrinta waxaa ka dhalan kara cawaaqib aad u xun haddii dhacdooyin ku-takrifal, sharci jebin iyo anshax xumo ah ay dhaawacaan wax haddii la hagaajiyo noqon lahaa guul ballaaran,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating.

 

 

Sourec BBC

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews