berberatoday.com
Berbera”Khilaaf Dimeed Oo Ka Curtay Masjid Ay Gacanta Ku Hayn Jireen Culimada Timoweyntu Oo Dib Udhis Uu Ku Sameeyey Cali Xoorxoor Iyo Doorka Ay Ku Leedahay Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta Khilaafkan
November 22, 2016 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Khilaaf Dimeed oo u dhaxeeya Culimada Loo yaqaano Timoweynta iyo Kuwa Tabliqiiga ah ayaa Ka Qarxey Masjidka Sheekh Isaxaaq Ee  ku yaal Bartamaha Magaalada Berbera, Masjidkaasi oo Dibudhis ku Sameeyey Mareeyihii hore ee Dekadda Berbera Eng.Cali Xoorxoor Ayaa waxa hore Gacanta ugu hayn Jirey Maamulkiisa Culimada Loo yaqaano Timoweynta ama Qaadiyada oo Xarunweyn ku leh Magaalada Berbera, kuwaasi oo Maamulayey Tan iyo Markii Masjidkaasi Sheekh Isaxaaq Dhismihiisi hore laga Bineeyey Magaalada Berbera

masjid-sheekh-isaxaaq

Khilaafka Masjidkan ayaa keenay Isku dhacan labadan Culimo ,kadib Markii dhawaan Dibudhiskiisa Farta laga Qaadey Ayaa Shirkadii Dhismahiisa Wadey oo lagu Magacaabey Cadeeye Construction oo dhismahaasi fulineysay, ayaa waxa Furaha ka qaadey Koox Wadaaddo ah uu Hogaaminayo Isuduwaha Diinta iyo Awqaafta Sheekh Maxamed Faraare si uu uga Wareejiyo Culimadii Maamuli lahayd Masjidkaasi Sheekh Isaxaaq, taasina ay kaliftey in Culimada Qaadiriyada ama Timoweyntu ay saaka Weerar ku qadeen Dhismaha Masjidkaasi kuwaasi oo Gacantooda ku Furtey Masjidkii, gacan ku haynta Maamulkii Masaajidkana Sidaasi kula Wareegay.

masjid-sheekh-isaxaaq-1

Khilaafka Masaajidkan ee u dhaxeeya Labadan Culimo Ayaa guud Ahaanba maalmihii u dambeeyey laga Dareemayey Magaalada berbera,shabakada Mandheera oo Wariyayaal ka tirsan bookhdeen, dhismaha Masjidkaasi muranku ka taagan yahay, ayaa  kula kulmey Koox Wadaadada Timoweynta ah oo ku Jirta gudaha Masjidkaasi,kuwaasi oo ku gudo jirey Digri iyo Wacdi dhexdooda ah xiligaasi, markii aanu isku daynay inaanu wax kaweydiino Khilaafka Masjidkana way ka gaabsadey,

Dhinaca kale Isuduwaha Diinta iyo Awqaafta Ee Gobolka Saaxil Maxamed Faraare oo aanu isku daynay inaanu wax kaweydiino Sababta keentay Khilaafka Masjidkan iyo Masuuliyada ka saaran Masaajidada ee Dhinaca Wasaarada Diinta iyo Awqaafta ayaaney noo suuro galin, balse waxaanu filaynaa inaanu saacadaha soo socda wareysi gaar ah kala yeelan doono arrimaha la Xidhiidha Khilaafka Masjidkan.

Si kastaba ha ahaatee Mareeyihii hore ee Dekadda Berbera Eng.Cali Xoorxoor oo isagu Masjidkan Dibudhis iyo Casriyey ku sameeyey intii aanu Shaqada Dekadda Ka Tagin oo hadda ku sugan Dalka Dalka Hindiya, ayaa xogaha aanu ka helaynaa ay tibaxayaan inuu todobaadkan Amar ku siiyey maamulaha Shirkaddii hore u waday Dhismaha  Masjidkaasi inay Furaha ku Wareejiyaan Wadaadadii hore Gacanta ugu hayn jirey Ee Timoweynta aheyd, balse Isuduwaha Diinta iyo awqaaftu uu furayaasha ka qaadey Mamulka Shirkadaasi,taasina ay keentay inay isku dhacaan Wadadadii hore ee masjidka iyo Kuwa Cusub ee Isuduwaha Dinta iyo Awqaaftu uu la Doonayey inn ku wareejiyo Masjidkaasi Xaalada amaanka ee Magaalada Berbera Ayaa hadda Degan kadib markii khilaafka masjidkani uu Sababi gaadhey isku dhaca labadan Culimo.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews