berberatoday.com
Gobolka Gabiley Oo 85 Gaadhi Oo Caleena U Diray Gobolada Bariga
November 22, 2016 - Written by Berbera Today

Gabiley(Berberatoday.com)-Maamulka Gobolka Gabiley iyo Degmada Gabiley, ayaa Maanta Gobollada bariga u diray 85 Gaadhi oo Caleen ah, kuwaasi oo hor-dhac u ah illaa 200 oo Gaadhi oo Caleen ah oo Gobolku kaga qayb-qaadanayo Abaarta Gobollada bariga Somaliland.

Badhasaabka Gobolka Gabiley Xamse Maxamed Cabdi, oo ugu horeyn ka hadlay Madashii laga ambo-bixiyey Gaadiidka Caleenta u qaaday Gobollada abaareysan ee Bariga, ayaa yidhi, “Waxaanu direynaa Maanta 85 Gaadhi oo Bal ah oo hordhac ah, annaga oo ballan-qaadnay inaanu Gurmadka Abaarta kaga qayb-qaadanno laba boqol oo Lawdh.” Ayuu yidhi, Badhasaabka Gobolka Gabiley, waxaanu intaa ku daray, “Gobolka Gabiley waa Gobolka keliya ee Abaaraha Gobollada bariga uga qayb-qaatay sida ugu culus. Gobolku wuxuu marti-geliyey Dadka ka soo baro-kacay Gobollada bariga ee Abaartu ka jirto, Dadkaasi oo dhan 15000 kun oo Qoys. Dadkaa si wanaagsan baa loo soo dhaweeyay, oo Beerihii baa loo furay, Dadkii bay daaqii la wadaageen, Biyihiibaa la siiyey, imikana waxaanu diraynaa waxaanu direynaa Dadkii soo kici kari waayay inaanu meeshooda wax ugu geyno.”

Untitled

Maayarka Degmada Gabiley Maxamed-Aamin Cumar Cabdi oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa yidhi, “Deeqda kale ee Guddida Abaaraha ee Gobolka Gabiley ugu deeqeen Gobollada barigu waxay ahayd Raashinkii Deeqda ahaa ee Turkiga qaybtii uu Gobolka Gabiley ka helay.”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews