berberatoday.com
“Sharciga Ku Waajahan Soomaaliya, Ee Uu Adkeeyey Cigaal, Daahir Rayaalena Sii Adkeeyey, Waxa Dabcisay Xukuumaddan” Axmed Yuusuf Yaasiin
November 22, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa sheegay in mawqifkii iyo halkii ay ka taagnayeen Somaliya Xukuumadihii hore Somaliland, ee ay Xukuumaddani bedeshay ay keentay in Masuuliyiin xilal ka haya Somaliland inay Somaliya tagaan, xilalna ka qabtaan, waxaanu Xukuumadda ugu baaqay in sharci adag ay ka soo saarto.axmed yusuuf yaasiin

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Doorashada Madaxtooyada, abaaraha dalka ka taagan iyo dhex-dhexaadinta Turkiga ee wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, waxaanu yidhi isagoo ugu horeyn ka hadlaya Masuuliyiinta xilalka haya ee Somaliya tagaya “Mawqif adag ayey Xukuumaddii Cigaal ka taagnayd Somaliya, sidoo kale Xukuumaddii aan Madaxweyne ku xigeenka  ka ahaa ee Daahir Rayaale Kaahina Madaxweynaha ka ahaa mawqif adag bay ka taagnayd Somaliya, oo Sharcigii ku waajahana Somaliya, ee uu adkeeyey Cigaal, Daahir Rayaalena sii adkeeyey waxa dabcisay Xukuumaddan, oo wali taariikhda Somaliland may dhicin in dad xilal qaranka u haya inay Somaliya  tagaan, waxaana keentay inay Somaliya tagaan mawqifka aanu adkaynay ee aanu meesha adag iska taagnay ee Xukuumaddani dabcisay, haddii ay sidaasi dhacdayna waxaan kula talinayaa Xukuumadda in wixii hadda ka dambeeya inay go’aan adag ka qaadato, oo sharci ka soo saarto, si aanay dib dambe u dhicin in dad xilal haya inay u hanqal taagaan Somaliya”.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland mar uu ka hadlaayey wada hadalada ayaa yidhi “Markii horeba waa la ogaa in aanu Turkigu aanu raali ka ahayn gooni istaaga Somaliland, inuu dhex dhexaadiyo wada hadaladana may ahayn, inuu midnimada doonayana waxa inagaga filan hadalkii Safiirka Muqdisho u fadhiya, waxaana anigu soo jeedin lahaa in gabi ahaanba wada hadalada uu Turkigu wado in la joojiyo, waxaan ku talinayaa sidaan marar badan oo hore sheegay in loo yeedho oo miis la soo wada fadhiisiyo shanta Somaliyeed iyo waliba wadamada Ingiriiska, Talyaaniga iyo Faransiiska ee haystay, markaas ayaa la isku garabaaya, oo aynu xaqeena helaynaa, inagu maynu raadinayn oo qudha Koonfur ee waxaynu doonaynay Shantii Soomaaliyeed oo mid noqota”.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland mar uu ka hadlaayey Abaaraha iyo doorka ay ka qaateen Xisbiyadu ayaa yidhi “Maaha in dadka abaaruhu hayaan in la iskugu faano, oo lagu tartamo, oo loolan iyo olole loo galo, waxa la siinayana lagu faano, dadkani waa dad dhibaataysan, waxay u baahan yihiin in wixii la siinayo ee lagu tari karo lagu taro, oo lagu sadaqadaysto, si ajar iyo naxariis ILLAAHAY looga helo, waxaana Axsaabta kula talinayaa in aanay loolan ka dhigan dadkooda baahan ee dar ILLAAHAY ha u caawiyaan”.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin,mar aanu wax ka weydiinay sida uu u arko hadal ka soo yeedhay masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda oo sheegay inay Doorashadu dib u dhacayso madaama lagu jiro abaar wuxuu ku jawaabay “Doorashada muddo ayaa ka hadhay, ilaa shan bilood ayaa ka hadhay, hawsha Doorashadana cid baa u xil saaran ee inta Doorashada lagu mashquulayo waxa haboon in loo gurmado oo wax la taro dadkan dhibaataysan ee gurmadka iyo gargaarka u baahan”.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland ayaa mar uu ka hadlaayey abaarta iyo sida looga feejignaan karo ayaa yidhi “ILLAAHAY aynu barino, istiqfaarta iyo baryadiisa aynu badino, habeenkii aynu salaatul laylka aynu tukano, dunuubta, laqwiga iyo beenta ha la iska daayo, oo ILLAAHAY ha loo noqdo, si uu abaarta inooga dulqaado, cid la baryo ILLAAHAY ayaa ugu wanaagsan ee baryadiisa aynu badino, waxaana anigu soo jeedin lahaa si mar walba looga sii feejignaado abaartan soo noqonaysa inaynu isku tashano, in dadka reer Somaliland qof walba wixi awoodo inuu bil kasta bixiyo, ha yaraato ama ha badnaato, in qofkii hal doolar bixin kara bishii inuu bixiyo, in kii toban doolar bixin karaa bixiyo, in kii ka badin karaa ka badiyo, waana inaynu qorshe cad ka yeelana biyahan mar kasta oo roob da’o khasaaraya, ee badda sida tooska ah u galaya, dawladda waxa la mooda inta maamulka ama xukunka markaa haysa, balse  dawladdu waa dadka, markaas waa in dadku isku tashadaa, oo ka gaashanta abaaraha iyo xaalad walba oo ku timaada”.

Isagoo ka hadlaya wufuuda badan ee madaxweynaha wehelisa wuxuu yidhi “Waxay Ahayd In Madaxweynaha Ay Raacaan Cidii Aan Looga Maarmi Karin, Laakiin In Raxan Wasiiro Ay Raacaan, Oo Kharash Aad U Fara Badan Oo U Baahnaa In Dadka Lagu Caawiyo Ay Iyaga Ku Baxaan Maaha”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews