berberatoday.com
Siilaanyo Iyo Weftigiisii Oo Deeq Isugu Jirta Raashin Iyo Lacag Caddaan ah Gaadhsiiyay Dadka Abaartu Ku Dhufatay Ee Ku Dhaqan Gobollada Togdheer Iyo Buuhoodle+Daawo Sawirada
November 22, 2016 - Written by Berbera Today

Madaxweynaha Iyo Weftigii Ku wehelinayey Safarka Tabantaabo Oo Maantii Saddexaad Galay Ayaa Deeq raashin, Biyo Iyo Lacag Caddaan ah ku wareejiyey Dadka Ku Dhaqan Gobolada Togdheer iyo Buuhoodle

dsc_0235

Qorilugud(Berberatoday.com)-Safarkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane, Axmed Maxamed Silaanyo iyo weftigii uu hoggaaminayey ee gobolada Bariga Somaliland ku sugnaa ayaa galay maalintii saddexaad, waxaanu subaxnimadii hore ee saaka (6:00 am) u jarmaadeen weftigu jiidaha abaartu saamaysay ee ay ka mid yihiin, magaalooyinka Shanshacade, Bali-calanle, Taalabuur, Degmada Balidhiig, magaalada Coodanle, Degmada Qorilugud oo ka tirsan Gobolka Buuhoodle, iyo Degmada Wadaamogoo.

Sidoo kale waxa Madaxweynuhu wuxuu soo kormeeray dadka reer guuraaga ah ee abaartu saamaysay kana soo hayaamay deegaamadii ay ku sugnaayeen markii hore degaankana ku ahaayeen.

dsc_0241

Madaxweynaha iyo weftigiisu waxay maanta oo taariikhdu ahayd 21/11/2016, socdaal dheer ku galabixiyeen deegaamada abaartu saamaysay iyo goobaha ay ku soo hayaameen dadka xoolo dhaqatada ah ee abaartu haleeshay, waxaanu madaxweynuhu dadkaasi u qaybiyey biyo, raashin kala duwan iyo weliba lacago kaash iyo doolar isugu jira oo loogu talogalay in lagu taakuleeyo dadka jilicsan een awoodin inay sugaan wixii daruuri ah sida caafimaadka iyo wixii la halmaala.

dsc_0310

Madaxweynaha oo dadka u ducaynayey mid midna u dul istaagay qoysas farobadan oo wadhnaa waddooyinka koonayaashooda, badankoodana ay xoolihii ka leedeen, waxa kale oo uu madaxweynuhu indhihiisa ka soo qaaday xoolo tiro badan oo lagaga dhaqaaqay banaanada markii ay socon waayeen ama ay talax gabeen kuwaasoo noqday wayd ay saamaysay nafaqodaro iyo biyo la’aani.

dsc_0248

Safarkan Tabantaabo oo ahaa mid xaqiiqo raadis ah oo uu Madaxweynuhu ugu kuur galayey xaalada guud ee Abaarta dalka haleeshay ayaa noqday mid culayskiisa leh, madaama gurmad aan kala go’lahayn oo dad iyo duunyaba ah loo baahan yahay.  Madaxweynuhu wuxuu balan qaaday in aanay xukuumadiisu waxba ka hagranayn shacbiga iyo duunyada abaartu haleeshay.

dsc_0231

Madaxweynuhu isaga oo ka duulaya culuyska abaarta iyo baahida biyood ee dadka iyo duunyada haysa, wuxuu soo kormeer  Ceelbiyoodka Coodanle oo riigii qodayey muddo toban maalmood gudohood ah uu biyo kaga gaadhay maalmaha soo socdana si toosa looga cabidoono, halka ceelbiyoodka balidhiigna uu madaxweynuhu wasaaradda biyaha amray inay si degdeg ah warbixin buuxda uga keento madaama oo in muddo ah la qodayey ceelkaas. Intii madaxweynuhu ku jiray kormeerkiisa waxa ugu naxdin xumayd markii wiil yar oo 12 sanno jira oo baadi-doon geela ahi uu markii uu helay geeli kana soo helay gudaha ismaamulka soomaalida Itoobiya uu haraad u geeriyooday wiilkaasi.

dsc_0278

weftiga Madaxweynaha oo goor makhrib ah ku soo beegmay qorilugud ayaa soo dhawayn balaadhan kala kulmay dadweynaha ku dhaqan degmadaasi, waxaana halkaa kala hadlay shacbiga ku dhaqan gudoomiyaha ahna Murashaxa Xisbil Xaakimka Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo shacbiga uga mahadnaqay soo dhawaynta ay ku qaabileen weftiga Madaxweynaha ku soo dhaweeyey, madaxweynaha oo halkaa uga duceeyey guud ahaan dadka abaartu saamaysay, waxanay weftigu u soo guureeyeen dhinaca Magaalada Caynabo ee Gobolka Saraar oo caawa ay weftigu ku soo hoydeen abaaro 8:45 daqiiqo markay saacadu maraysay.

Wa-bilaahi Tawfiiq

Xafiiska Afhayeenka iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL

dsc_0588dsc_0553

 Berberatoday.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews