Garabka Toosinta Ee WADDANI Oo Guddida Ururrada Siyaasadda U Gudbiyey Dacwad Ka Dhan Shirkii Golaha Dhexe Ee Xisbigaa, Xilalka XIRSI Iyo Cabdiqaadir Jirde
November 23, 2016 - Written by Berbera Today
Axmed Muumin Seed Oo Ka Hadlay Warar Sheegaya In Xil Looga Magacaabayo Xukuumadda, Cidda Ah Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Ee WADDANI iyo Arrimo Kale
Hargeysa(Berberatoday.com)-Garabka uu Hoggaamiyo Axmed Muumin Seed ee Xisbiga WADDANI, ayaa Dacwad ka ah Garabka Guddoomiyaha Xisbiga u gudbiyey Guddidida Ansixinta Ururrada Siyaasadda Somaliland.
Sidaana waxa sheegtay Hindi Xirsi Faarax Gaani oo ah Afhayeenka Garabka Toosinta ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI oo Shalay la hadashay Telefiishanka HCTV.
Afhayeenka Garabka Toosinta ee Xisbiga WADDANI Hinda Gaani oo la waydiiyey inay faahfaahiso waxa ku qornaa Dacwadda Garabkoodu u gudbiyeen Guddida Ururrada Siyaasadda, ayaa tidhi, “Warqadda (aanu u gudbinay Guddida Ururrada Siyaasadda) waxa ku qornaa in Shirkii Golaha dhexe ee Xisbiga WADDANI ku qabsaday Huteelka Ambassador ee Hargeysa uu gabi ahaanba ahaa Xaaraan iyo Sharci daro. Maaddaama oo Xubnaha Golaha dhexe ee Shirka fadhiyey, kuwa dibadda joogay iyo kuwa Buugga ku qornaa oo aan is-waafaqsanayn.”