berberatoday.com
Garabka Toosinta Ee WADDANI Oo Guddida Ururrada Siyaasadda U Gudbiyey Dacwad Ka Dhan Shirkii Golaha Dhexe Ee Xisbigaa, Xilalka XIRSI Iyo Cabdiqaadir Jirde
November 23, 2016 - Written by Berbera Today

Axmed Muumin Seed Oo Ka Hadlay Warar Sheegaya In Xil Looga Magacaabayo Xukuumadda, Cidda Ah Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Ee WADDANI iyo Arrimo Kale

 

Hargeysa(Berberatoday.com)-Garabka uu Hoggaamiyo Axmed Muumin Seed ee Xisbiga WADDANI, ayaa Dacwad ka ah Garabka Guddoomiyaha Xisbiga u gudbiyey Guddidida Ansixinta Ururrada Siyaasadda Somaliland.

Sidaana waxa sheegtay Hindi Xirsi Faarax Gaani oo ah Afhayeenka Garabka Toosinta ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI oo Shalay la hadashay Telefiishanka HCTV.

Afhayeenka Garabka Toosinta ee Xisbiga WADDANI Hinda Gaani oo la waydiiyey inay faahfaahiso waxa ku qornaa Dacwadda Garabkoodu u gudbiyeen Guddida Ururrada Siyaasadda, ayaa tidhi, “Warqadda (aanu u gudbinay Guddida Ururrada Siyaasadda) waxa ku qornaa in Shirkii Golaha dhexe ee Xisbiga WADDANI ku qabsaday Huteelka Ambassador ee Hargeysa uu gabi ahaanba ahaa Xaaraan iyo Sharci daro. Maaddaama oo Xubnaha Golaha dhexe ee Shirka fadhiyey, kuwa dibadda joogay iyo kuwa Buugga ku qornaa oo aan is-waafaqsanayn.”

Hinda waxa kale oo ay sheegtay, “Waxay taabanaysaa Dacwaddu in lagu diray (Xisbiga) Hoggaanka Xisbiga iyo Guddoomiyaha Ku-meel-gaadhka ah oo iyaguna Sharci-daro ku fadhiya. Waxa kale oo ay Dacwaddu sheegaysaa in Dad aan awood u lahayn ay Xilka ka qaadeen Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Xisbiga WADDANI, taasina ay tahay waxaan marnaba aanu sharcigu ogolaan karin, markaa waxaanu ka codsanay in Maaddaama oo ay yihiin Komiishanka Sixidda Hannaanka dimuqraadiga ah ee ururrada iyo Axsaabta Qaranka inay Tallaabadaa khaldan wax ka qabtaan.” Ayay tidhi.

Dhinaca kale, Axmed Muumin Seed oo la waydiiyey waxa ka jira in Xukuumadda looga Magacaabayo Xil, ayaa sheegay in aanu Warkaasi waxba ka jirin.

Mr. Seed waxa kale oo uu sheegay inuu isagu weli yahay Guddoomiye ku-xigeenka Sharciga ah ee Xisbiga WADDANI, “Anigu weli waxaan ahay Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga WADDANI, ahna Guddoomiyaha Garabta Toosinta ee Xisbiga WADDANI.  Weli maanu kala quusan Xisbiga WADDANI oo waxaan ahay Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga ee Sharciga ah.” Ayuu yidhi. Waxaanu intaa ku daray “Lama gaadhin Xilli la yidhaahdo Xil-baa looga Magacaabayaa Xukuumadda, Waayo? Xitaa Wada-hadallo nooma furmin Xukuumadda, Xisbiga KULMIYE iyo UCID-na maanu Wada-hadal.”

Axmed Muumin Seed, waxa kale oo uu sheegay, “Marka Wada-hadal noo furmo ee aanu kala baxno WADDANI ama aanu Wada-hadal la furno (Xukuumadda) ayay iinsha Allaah Xilalku iman doonaa.”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews