Khilaaf Ka Dhashey Qaxootiga Yemen Oo Ka Dhexeeya Wasaaradaha Caafimaadka Iyo Dib U Dejinta Somaliland
November 23, 2016 - Written by Berbera Today
“Qaxootiga Yemen ka Imanaya waala Joojiyay, cudurka Daacuunka ayaa ka Dilaacay dalkaas”W. Caafimaadka
“Waxaanu arrinkaasi kala soconaa ma Jirto”W. Dib u Dajinta Somaliland
Hargeysa(Berberatoday.com)-Khilaafka ka dhashey qaxoontiga kasoo cararay dalka Yemen, ayaa ka dhex bilaabmay wasaaradaha Caafimaadka iyo Dib u Dajinta Somaliland.
Khilaafkan ayaa ka dhashey kadib markii wasaaradda Caafimaadka Somaliland sheegtay in la joojiyay qaabilaada qaxootiga ka imanaya dalkaasi Yemen maaddaama Haayada qaramada Midoobay u qaabilsan Caafimaadku shaacisay in dalkaasi uu ka Dilaacay Cudurka Daacuunku.