berberatoday.com
Laba Beelood Oo Dagaal Xawayaan Ka Dhashay Iskaga Dilay Ku Dhawaad Boqol Ruux
November 23, 2016 - Written by Berbera Today

Tropil(Berberatoday.com)-Ugu yaraan 16 Qof ayaa dhintay, 50 kalena way dhaawacmeen ka dib dagaal culus laba Beelood ku dhex-marayey dalka Liibiya, kaasoo socday dhawrkii maalmood ee u dambeeyey, isla markaana ka dhashay khilaaf ka curtay Xawayaanka Daayeerka.

Laba Beelood Oo Dagaal Xawayaan Ka Dhashay Iskaga Dilay Ku Dhawaad Boqol Ruux 2016

Sida ay Baahisay Wakaaladda Wararka ee Reuters dagaalkan, ayaa ka dhacay magaalo ku taal Koonfurta dalka Liibiya oo la yidhaa Sabha, waxa sababay dhacdo la yaab leh oo dhexmartay Xabbad Xayawaanka Daanyeerka ah iyo Hablo yaryar oo Ciyaala-iskuul ah oo weeraray Daanyeer uu leeyahay Nin Dukaan haysta oo ka soo jeeda Qabiilka la yidhaa Gaddafa, ka dibna Daanyeerka oo iska difaacayey uu haleelay mid ka mid ah Hablihii yaryaraa oo uu ka qaaday Maradii Madaxa ay ku xidhnayd ama Masarkii Madaxa u saarnaa.

Hase-yeeshee, Qabiilka ay ka soo jeeddo Gabadha yar ee Daayeerku masarka ka qaaday oo magaciisa la yidhaa Awlad Suleiman, ayaa si wayn uga cadhooday falka Daanyeerku u geystay Inantooda, waxaanay taasi keentay in Rag ka tirsan Qabiilkaasi ay weerar aargoosi ah qaadaan oo ay markiiba dilaan saddex Qof oo Qabiilka Gaddadfa ah iyo Daanyeerka laftiisii, iyadoo halkaasina uu ka dhashay dagaal culus oo socday muddo saddex maalmood ah.

“Xaaladdu way ka sii daraysay maalmihii labaad iyo saddexaad ee dagaalkan oo la isu adeegsanayey Kaarayaal, Hoobiyayaal iyo noocyada kale ee Hubka culus.” Sidaa waxa yidhi Dad ku nool magaalada dagaalku ka dhacay oo u warramay Wakaaladda Wararka ee Reuters.

Iskuday Hoggaamiyeyaal ka tirsan labada Qabiil ku doonayeen in la joojiyo dagaalka ama la gaadho xabbad-joojin si loo kala aasto Meyaddka, ayaa guul-darraystay, sida; ay Reuters baahisay.

Kooxaha Caafimaadka ee magaalada dagaalku ka socdo ee Sabha waxay sheegeen in maalintii Axaddii ay soo gaadheen 16 Qof oo dhintay iyo dhaawaca oo maraya 50 Ruux oo kale. “Dhaawaca waxa ku jira Dumar iyo Carruur, waxa kale oo kuwa dhintay ka mid ah Dad Ajaanib ah oo ka yimi dalalka Saxaraha ka hooseeya ee Afrika, kuwaasoo ay haleeshay duqaynta aan kala sooca lahayn ee labada dhinac isku adeegsanayaan.” ayey yidhaahdeen Dad ka tirsan Hawl-wadeennada Xarumaha Caafimaadka ee magaalada Sabaha ee waddanka Liibiya.

Labada Qabiil ee Gaddadfa iyo Awlad Suleiman, ayaa ka mid ah Beelaha ugu awoodda badan ee dhinaca Koonfureed ee Liibiya, waxaanay si la mid ah dalka intiisa kale ku hubaysan yihiin Hub culus oo ay ka dhaxleen Ciidammada dawladdii la riday ee Mucammar Al Gaddaafi.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews