berberatoday.com
Xukuumadda oo Digniin Adag u Dirtay Diyaarado Dagal Oo Hawada Somaliland ku soo Xad-gudbay
November 23, 2016 - Written by Berbera Today

Hargaysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland, ayaa digniin u dirtay, faahfaahinna ka bixisay qaabka ay uga hawlgashay Diyaarado kuwa dagaalka ah oo toddobaadkii hore lagu arkay deegaanno Somaliland ka tirsan iyagoo joog hoose ku duulaya, isla markaana duqaymo ka geystay Dhulka Miyiga ah ee deegaanka Oodweyne iyo meelo kale.

Wasiirrada Wasaaradaha Duulista Hawada Farxaan Aadan Haybe iyo Wasiiru-dawlaha arrimaha dibedda Maxamed Mixille Boqorre, ayaa shalay ka hadlay arrimahaas la xidhiidha diyaaradaha. Waxaana sidaa lagu sheegay War Qoraal ah oo Waaxda Warbaahinta u qaabbilsan Wasaaradda Duulistu soo dirtay, kaasoo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Aftahannews caawa, waxa uu u dhignaa sidan:-

“Wasiirka Duulista Hawada Iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Farxaan Aadan Haybe iyo Wasiiru-dawlaha Arimaha Dibada Maxamed Mixile Boqorre, ayaa Shir Jaraa’id oo ay ku qabteen Wasaaradda Duulista ku iftiimiyey sida ay Xukuumada Somaliland uga hawal gashay Diyaarado Ciidan oo dhawaan ku soo xadgudbay Xuduuda Wadanka.

Wasiirka Duulista oo hadalka ku horeyay ayaa waxa uu yidhi:-“Shirkan jaraa,id ee ay sida wada jirka ah u qabanayaan wasaarada duulista hawada iyo gaadiidka cirka iyo wasaarada arimaha debada waxaan u qabanay arimo kasoo kordhay hawadeena oo ku saabsan diyaarado kusoo xad gudbay hawadeena, oo khaasatan u eg diyaarado ciidan oo laga soo sheegayo deegaanada Oodwayne iyo bariislay oo saylaca, diyaaradahan xogtooda waan haynaa way dhacdaa aduunka oo dhan si aan ku talo gal ahayn oo baaylotisku way ku khaldami karaan wadan kale, laakiin wixii xoga waa nala soo siiyaa dawladaha jaarka iyo kuwa kale ee aan wada shaqaynta leenahayba.

Wasiirka isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi:-Arintaa dhacday horta baadhisteedii weli way socotaa waxaana u xil saran wasaarada arimaha debada oo kala xidhiidhaysa safaaradahedii. Waxaan baaq iyo digniinba u dirayaa diyaaradaha hawadeena ku soo xad gudbaaya ee diyaaradaha ciidanka ah waxaanu leenahay aqbali mayno suuro galna maaha nabad gelyadoodana anagu damaanad qaadi mayno ama haku socdaan hawo sare ama haku socdaan socdaan hawo hoose, ma jirto aduunka diyaarad iska socotaa waayo kama war hayaan khatarta meesha ka jirta. Sidaa darteed iyagana inay dhibi gaadho ma jeclin inagana ma jeclin wixii nabad gelyadeena khalkhal gelinaaya.

Wasiirku waxa uu carabka ku adkeeyay in aan arintani dib u dhicin waxaanuu yidhi “Waxaanu uga digaynaa inaan ficilkaasi iyaga iyo anaga toona noo fiicnayn nabad gelyadoodna aanan damaanad qaadi Karin nana soo wargeliyaan xataa hadii khalad dhaco inaan raali gelinteeda helno oo an ku qanci karno.”

Wasiirudawlaha Arimaha Debada Mr: Boqoreb ayaa isna intaasi ku daray oo yidhi “Horta Somaliland iyada oo aan la aqoonsan oo aan kaba fiicanahay wadamo badan oo caalamka ah hadana in xuquuqdeena lagu xad gudbo ma aqbalayno mudo badana wan dulqaadanayn oo diyaarado uun baa ina dul maraayay anaga ka wasaarad ahaan safaaradahayagii ayaa arintaa ka hawl galay meelihii tuhunku ka jiray ayay la xidhiidheen qoraalo ayaan u qornay baadhitaan baa lagu jiraa meel fiican buu marayaa gaar ahaan safiirka jabouti ayaa aad uga hawl galay. Dawlada jabouti iyagu waxay yidhaahdeen war kama hayno laakiin way nala baadhayaan safiirkeeniina wuu ku daba jiraa meelaha la tuhun san yahay. Dhinaca itoobiya qudheeda baadhitaanku waa ka socdaa caalamka waxaanu uga digaynaa inay ilaaliyaan ixtiraamka hawadyada iyaguna amaankooda ilaashadaan.

masuuliyiinta-wasaaradaha-duulista-iyo-arrimaha-dibedda-somaliland-2016Wasiiru Dawluhu waxaa uu tilmaamay in baadhista wixi ka soo baxa ay shacabka u soo gudbin doonaan, isaga oo arintaasi ka hadlaaya ayaa wax uu yidhi “Anagu Somaliland ahaan hadii aan weli nala aqoonsan xuquuqdayada uga tegi mayno xad gudubna ma aqbalayno wixii baadhitaankaa kasoo baxa dib ayaan kasoo sheegaynaa insha allah”.

Warbaahinta ayaa waydiisay damaanada ay ka qaadayaan diyaaradaha hawada soo dulmara waxyeelada ay gaysan karaan, waxa uu sheegay wasiir u dawlaha arimaha debadu inaanay hada laga bilaabo u dulqaadanaynin in hawda Somaliland lagu soo xad gudbo

Sidoo kale wasiirka duulist waxa uu sheegay inay warbixinta u gudbiyeen Hay’ada ICOA ee Maamusha hawada aduunka inaanay aqbalayn kusoo xadgudubka hawada Somaliland sidoo kalena ay u gudbiyeen wasaarada arimaha debada ee ku shuqulka leh amuuraha debada dalka waxaanu yidhi wasiirka duulistu “Diyaaradahan hawadeena soo galay wax waxyeelo ah may gaysan diyaarada bariislay way soo fadhiisatay ta oodwayne xabado yaryar baa ka soo dhacay meel kayna waxna cid uma gaysan waana sababta aanu digniinta u dirayno si aanay dib ugu soo noqonin inta badan waa diyaaradaha aananu xogtooda haynin cida ay yihiin. waxaa jira diyaarado badan oo ay dawladu xogtooda heshay inay wadankeena soo galaan sifo kasta ha noqotee waana wada shaqayn ka dhaxaysa wadamada”.” Sidaa ayaa lagu yidhi Warka Qoraalka ah ee Waaxda Saxaafadda u qaabbilsan Wasaaradda Duulistu soo diyaarisay.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews