Baylood 72 jir Ah Oo Britain Udhashay Oo Lagu La’ Yahay Inta Udhaxaysa Suudaan Iyo Itoobiya
November 24, 2016 - Written by Berbera Today
Addiss Ababa(Berberatoday.com)-Maurice Kirk, ayaa la waayay isaga oo ku jira duulimaad seddex saac qaadanaya oo uu kaga soo baxay gobolka koonfureed ee dalka Suudan kuna sii jeeday galbeedka Itoobiya.
Qabanqaabiyayaasha tartanka diyaaradaha qadiimka ah lagu soo bandhigo ayaa sheegay in ninka 72-jirka ah loo sheegay in uusan ka qeybgalin tartanka maadaama uusan shaqeyneyn jiheeyaha diyaaradiisa ee loogu talagalay in uu ku xirnaado Satelaytka oo nooceedu yahay Piper Cub oo la sameeyay 1943.