Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaannaadka Qaranka Oo Galabta Sii Gelbiyey Arday Ku Guulaystay Deeq Waxbarasho Sare Oo Ay Dawladda Itoobiya Siisay Somaliland
November 24, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaannaadka Qaranka Somaliland Md. Daauud Axmed Faarax oo ay weheliyeen saraakiil ka tirsan wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee JSL ayaa shalay gelinkii dembe u ambo baxay wadanka Itoobiya iyaga oo hor kacaya qayb kamid ah arday reer Somaliland ah oo Deeq waxbarasho sare ka helay wadankaaasi, kuwaas oo laga soo xulay gobollada iyo degmooyinka dalka. Guddoomiyaha oo arrintaasi ka hadlay ayaa waxaa uu yidhi “Waxaa Farxad weyn ii ah inaan maanta hoggaamiyo ardaydii Somaliland oo ka guddoomiyaha-xafiiska-imtixaannaadkakooban gobol walba oo deeq waxbarasho ka helay dawladda federaalka ah ee Itoobiya oo iyadu innagu caawisay Schoolership, ardaydan oo ah kuwii ugu sarsarreeyey