berberatoday.com
Obama Oo Abaalmarin Siiyey Wiil Reer Somaliland Ah
November 24, 2016 - Written by Berbera Today

Washington(Berberatioday.com)-Madaxweynaha dalka Maraykanka ee Barack Obama ayaa abaal-marin guddoonsiiyey wiil Soomaali Mareykan ah oo lagu magacaabo Maxamed Axmed Cumar-Xaashi.

 

Mr. Axmed, ayaa ah wiil u dhashay Somaliland, waxaanu ka soo jeedaa qoyska caanka ah ee reer Cumar-Xaashi. Axmed oo ku nool magaalada Chicago ayaa ka mid ahaa toddoba qof oo sannadkan ku guulaystay abaal marin uu sannadkii bixiyo Madaxweyne Obama taasi oo la siiyo dadka tabaruca sameeya.

Mr. Maxamed, oo ku dhashay Hargeysa, kuna barbaaray dalka Imaaraadka Carabta, ayaa Maraykanka joogay 16 sannadood, waxaanu magaalada Chicago ka aasaasay urur soo bandhiga sheekooyinka dadka Muslimiinta ah ee ku nool dalkan Maraykanka, kaas oo lagu magacaabo  “Muslim American Leadership Alliance” oo lagu soo bandhigo sheekooyinka iyo hibada dadka muslimiinta ah ee Maraykanka ah.

Mr. Axmed, oo u waramay VOA-Somali, wuxuu mashruucan ku soo bandhigay waayo-aragnimada, sheekooyinka iyo hiwaayaadka dadka muslimiinta ah ee Maraykanka degen oo ka kala tagay dalal kala duwan sida Carabta, Afrika, Yurub iyo meelo kale.

Mashruucan, ayuu Axmed sheegay in markii ay bilaabayeen ay wargeliyeen aqalka cad ee Maraykanka, isagoo Mr. Axmed degen magaalada Chicago oo uu hore u degenaa Madaxweynaha Maraykanka Obama, waxaanu sheegay in mashruucan laga sii daayay warbaahinta islamarkaana uu soo jiitay dad badan oo Maraykan ah, taas oo sabab u noqotay in aqalka cad xiiseeyo mashruucan oo aakhirkii keentay in Madaxweyne Obama muwaadinkan reer Somaliland u haneeyo bilad muhiim ah.

Madaxweyne Obama, ayaa abaalmirinta uu u hibeeyay Maxamed Axmed Cumar-xaashi, oo uu Geeska Afrika arkay, wuxuu ku cadeeyay sida uu ugu farxay mashruucan uu hirgeliyay oo uu tilmaamay inuu muujinayo kaalinta uu Mr. Axmed kaga jiro horumarka muslimiinta Maraykanka.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews