berberatoday.com
“Reerba, Reerka Uu Ka Wasiir Badan Yahay Ayuu Ka Shaqaale Badan Yahay, Qaar baan Agaasime Lahayn Reeraha” Faysal Cali Waraabe
November 24, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inay muuqato in 25-kii sannadood ee ay Somaliland xorta ahayd aanay wax badan iyo nidaam dawladeed dhisan.

 

Guddoomiyha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, oo shalay hadal ka jeediyay munaasibad uu machadka Sidam u sameeyay arday qalinjabisay ayaa wuxuu ugu horayn yidhi  “25-sanno ayeynu dawlad ahayn, Somaliya 21 sanno ayeynu ku jirnay, maanta 25-sanno wax yar maaha, inankii maalintaas dhashay waa 25, kii 26aad ayaa u soconaya, Dawlad baynu ku dhawaaqnay, nidaam fiican baynu

sameeysanay,ILLAAHAY qabrigiisa ha u nuure waxa inoo sameeyey Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal,maanta waxa aynu sameeysanay Dastoorkeena, wali qalfoofkii dawladnimo ayeynu haysanaa  ee nidaamkii dawladnimo ayaa inaga maqan, sharcigii ayaynaan ilaalinayn, haddii aan sharci la ilaalin, oo aan sharci lagu kala socon waxay noqonaysaa fowdo, dadkeena maanta boqolkiiba shan iyo todobaatan (75%), waa dhalinyaro mustaqbal baad u baahan tihiin, shaqo ayaad u baahan tihiin shaqadiina dawladda ayaa gacanta ku haysa laakiin waxaynu qaadanay nidaamkii Mareykanka, oo in yar baa dawladda gacanteeda ku soo hadhay, Biyihii gacanta kuma hayso, adeegyadii aasaasiga ahaa xataa gacanta kuma hayso, Laydhkii gacanta kuma hayso, qaar baa inta ay isku geysteen mishiino yar yar ayey yidhaahdeen waxaanu nahay shirkado, caafimaadkii gacanta kuma hayno, mid waliba meel yar buu ka furtay Farmasii, inaadeerkii oo uu miyiga ka keenay buu yidhi waa neeras,waa daruuriyadkii ay ahayd dawladdu inay qabato”.

Eng: Faysal Cali Waraabe mar uu ka hadlaayey Wasaaraddaha dalka iyo qaabka ay u shaqeeyaan ayaa yidhi “Wasaaraddaheenu Burco ma gaadhsiisna, Burco Wasaaradda hawlaha guud mid baa ka jooga, Wasaaradda Beeraha mid baa ka jooga, Ceerigaabo oday baa la yidhi dhirtu ilaaliya ma joogto Wasaaradda Beeruhu, haddanad Wasiir lahayn shaqo heli maysid, reerba reerka  uu ka wasiir badan yahay ayuu ka shaqaale badan yahay,qaarbaan agaasime lahayn markaas halkee buu shaqo ka helayaa, waa inaynu waxaas badalnaa oo loo sinadaa shaqada”

Dhinaca kale Eng Faysal Cali Waraabe oo hadda ah Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID ayaa sidoo kale ka hadlay tanaasulka Madaxweynaha, waxaanu Madaxweynaha ku sifeeyey Mandela oo kale, waxaanu tilmaamay in haddii la doorto inuu wax badan qaban doono

 

 

 

 

Xigasho Geeska afrika

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews