berberatoday.com
SOMCABLE Taariikhda Faneed Ee Abwaan Maxamed Jaamac Kayd Oo Hargeysa Ku Geeriyooday
November 24, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Ilaahay ha u naxariistee waxaa Shalay magaalada Hargeysa ku geeriyooday Abwaan, macalin, Mu’aluf, Maxamed Jaamac Kayd oo ka mid ahaa Abwaannada Soomaalida ee Caanka ah, kaasi oo muddooyinkii dambe Bukaan socod ahaa, ka markii uu ku dhacay Xanuunka Faaliggu.

Warka Abwaanka GeeriyoodayAbwaan Kayd wuxuu ahaa Macallin Arday badan wax baray, waxaanu macalinimada ku darsaday inuu noqdo hal Abuur mufakir ah oo sameeyey Riwaayado iyo heeso badan oo ay ku luuqeeyaan Fannaaniin Caan ah, sida Khadra Daahir Cige, Cabdiqaadir Macalin Jubba, Axmed Cali Cigaal, Saynab Cige Maxamed iyo kuwo kale oo faro badan.

Marxuum Abwaan Maxamed Jaamac Kayd waxaa la sheegaa in uu dhashay hiilaaddii 1952-kii oo ku dhashay magaaladda Burco ee Gobolka Togdheer, waxaanu Waxbarashadiisii iyo hoose iyo dhexeba kusoo qaatay isla magaalada Burco, isagoo xilli dambe u wareegay magaalada Muqdisho oo uu ka bilaabay macalinimadiisii.

Marxuum Kayd, Wuxuu Cilmiga Suugaanta ka soo bartay Dalka Masar, Markii dambana Macallin ka noqday jaamacadii Lafoole.

Abwaan/Macalin Kayd wuxuu ka mid noqday hobollada Waaberi oo uu noqday rukannadii ay ku dhisnayd, isagoo hal abuuray heeso faro badan iyo Riwaayado wakhtigaasi aad loo jeclaa uu sameeyey.

Siddeetamaadkii Abwaanku Ruwaayado uu hal buuray waxa ka mid ahaa riwaayad aad loo jeclaystay oo la magac baxday ‘Nin Ilaahay wakiishay nasiibkiisa ma waayo’, taasi oo ay ku jireen heeso aad u caan baxay sida Heesta, “Marti ee ay qaado Khadra Daahir Cige erayadeedana ay ka midka yihiin; “Cudurka kaa-gala-fardaha, Haddi laga gubo dameer dawada lama gaadhayoo.”

Abwaan Kayd sidoo kale isla sannadahaasi waxa uu Allifay heeso kale oo ay ka mid tahay heesta ‘Adduunyo’ oo ay qaado Fannaanada Saynab Cige Maxamed iyo Heeso kale oo u kala dhiibay hobollada Aamino Cabdillaahi iyo waliba Axmed Cali Cigaal oo uu isna u dhiibay heesta Walaashay Gacalisooy.

Ugu dambeyntii, Abwaan Kayd Wuxuu ahaa nin dabeecad, dhaqan iyo qalbi fiican sida ay sheegeen Fannaaniintii ay soo Wada-shaqeeyeen, Waxaanay EEBBE u waydiinaynaa inuu janaddii Fardawso ka waraabiyo, Soomaalidana uu samari iyo iimaan ka siiyo.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews