berberatoday.com
Wax Ka Baro Tobanka Madaxwayne Ee Ugu Xukunka Dheer Qaaradda Afrika.
November 25, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday,com)-Qormadeen waxa aynu ku eegi doonnaa Madaxweynayaasha qaaradda Afrika ugu xukunka dheeraa, kuwaasoo badankoodu ku yimmi afgambi millateri amma dhaqdhaqaaq kacdooon. Qaar badan oo ka mid ah aad baa loo jecelyahay geesinimadooda, waxqabadkooda iyo waxyaabaha ay u hureen dadkooda, halka kuwo badan oo xorriyad-doon ahaa oo halgan dheer soo galay oo doonayey horumar in ay gaadhsiyaan dadkooda ay isu beddeleen dhiig-yocab aan xukunka ka kicin, dadkana caadis iyo dib u dhac u horseeda.

 

 

Markii la qiimeeyey 20 hoggaamiye ee xukunka ugu badan haysta waxa 10 u horreeya galay qaaradda Afrika ha la jeclaado amma yaan la jeclaane amma ha qabtaan wanaag amma yaanay qabane.

1.Madaxweynaha Equatorial Guinea Mr. Teodoro Obiang Nguema Mbasogo:

Madaxweynaha dalka Equotorial Guinea Mr. Teodoro Obiang waxa uu xilka ka dhaxlay adeerkii Masia Nguema Biyongo Ndong, kadib markii uu dhacay afgambi millateri sannadkii 1979 oo xilka lagaga tuuray dawladdii uu adeerkii hoggaaminayey. Afgambigan oo ahaa mid dhiig badan ku daatay waxa xukunka kula wareegay Golihii Kacaanka (Revolutionary Council) oo afgambiga ka hor Equatorial Guinea ka talinayey.

Mr. Teodoro waxa uu noqday Guddoomiyaha Golahaas, isla sannadkaas markii adeerkii lagu helay dambiyo ay ku jiraan dil-wadareed, xasuuq, musuqmaausq, leexsasho hanti dawladeed iyo khiyaamo qaran. Waliba dambiyadan waa lagu fuliyey oo dil baa xukunkii noqday.

Waxa Teodoro xilka loo dhaariyey sannadkii 1982-kii, taas macnaheedu yahay inuu 35 sannadood xukunka dalkiisa haystay oo aannu marna ka kicin.

2. Madaxweynaha Angola José Eduardo dos Santos:

Madaxweyne Dos Santos waxa uu ka talinayey dalka Angola wixii ka dambeeyey ilaa sannadkii 1979. Waxa uu xukunka hayey 35 sanno. Waqtiga uu xukunka la wareegay waxay ahayd markii dalka Angola helay xorriyadda.

Waxa in badan lagu ammaanay inuu door muhiim ah ku lahaa in dalku helo saliid amma shidaal, balse waxa uu eed badan kala siman yahay hoggaamiyayaal badan oo Afrikan ah oo musuqmaasuqa lagu eedeeyo.

Dadka Angoola oo 70% ka mid ah ku nool yihiin wax ka yar $2, ayaa inantiisa Isabel oo siyaasadda dalka saamayn ku leh ay ka mid noqotay dadka ugu taajirsan Afrika, gaar ahaan dhallinyarada ugu hantida badan.

3.Madaxweynaha Zimbabwe Mr. Robert Mugabe:

Madaxweynaha Zimbabwe Mr. Robert Mugabe oo hadda 90 jir ah waxa uu ka mid yahay hoggaamiyayaasha aadka loo dhaleeceeyo, halka uu taariikda dalkiisana kaga jiro halgamayaasha, inta badana dhaleecayntu waxay uga timaad dalalka reer galbeedka, halka Afrika in badan oo ka mid ahna uu taageero ka haysto.

Waxa uu dalkiisa xukumayey muddo 34 sanno ah, halka hadda wixii ka dambeeyana la saadaalinayo in gabadhiisa oo la yidhaa Grace ay noqoto qofka beddeli doona ee talada dalka la wareegaya, maadaama uu waayeel noqday, xannuunno badanna u weheliyaan da’da

4.Madaxweynaya Cameroon Mr. Paul Biya:

Ka hor inta aannu noqon Madaxweyne 1982kii, waxa uu Paul Biya ka ahaa Ra’iisal-wasaare xukuumaddii Ahmadou Ahidjo, balse kadib markii isbeddel siyaasadeed ka dhacay waddanka Cameroon ayuu noqday Madaxweyne, maadaama dalkaas uu lahaa hal xisbi siyaasadeed oo keliya muddo ku siman siddeetamaadkii, kaasoo uu baabiyey sagaashamaadkii.

Waxa uu awoodda dalka kula wareegay doorasho lagu eedeeyo in ay hadheeyeen mugdi, isdaba marin iyo khiyaamo codadka ah, maadaama Faransiiska oo ahaa gumaystaha Cameroon uu caawinayey Biya si uu xukunka ula wareego.

Waxa uu xilka dalkiisa hayey 32 sannadood oo aannu mar kaliya ka degin, kalana mid yahay hoggaamiyayaal badan oo Afrika ah musuqa, cadaadiska iyo dhibta ay dadkooda ku hayaan.

5. Madaxweynaha Uganda Mr. Yoweri Museveni:

Madaxweyne Yoweri Museveni waxa uu ahaa taayirka ay ku dhaqaaqdo dawladda Uganda, kadib markii ay dhaceen afgambiyadii Idi Amin iyo Milton Obote (1986). Waxa uu quluubta dadkiisa ku soo jiita aragtiyo ay ka mid yihiin inuu aad u neceb yahay guurka dadka isku jinsiga ah oo qaar badan u ololeeyaan, taasoo uu soo saaray xeerar ciqaab adag ku ridaya qofka lagu helo dambigaas.

 

Waxa kale oo uu dalka Uganda ku hoggaamiyey degenaansho dhaqaale, waana mid ka mid ah dalalka Qaarada Afrika ee guusha ka gaadhay HIV/Aids in hoos loo dhigo.

Waxa uu inta badan dhaliisha ku qaata ainuu dalkiisa 28 sannadood xukumayey oo aannu cidna u oggolaan in ay ka hortimaad amma ka guulaysato, waxaannu xukun jacaylka kala mid yahay rag badan oo ay isku da’ yihiin oo ka mid ah hoggaamiyayaasha muddada ugu dheer dal xukuma.

6.Madaxweynaha Suudaan Mr. Cumar al-Bashir:

Cumar Al Bashiir oo caan ku ah in ay raadinayso Maxkamadda Dambiyada Dagaalka ee ICC (International Criminal Court), taasoo hadda dalal badan oo Afrika iyo Yurub ah ku dhawaaqeen in ay ka baxeen, kuwo kalena doonayaan inay ka dhaqaqaan xubinnimadooda maxkamaddaas.

Madaxweynaha Suudaan Mr. Cuma al Bashiir waxa uu dalkiisa xukumayey 25 sanadood, waxana la doortay saddex jeer oo inta badan lagu eedeeyo in aanay ahayn doorasho xalaal iyo xor ah. Sannadkii 2009 waxa uu noqday Madaxweynihii ugu horreeyey ee Afrikaan ah ee isagoo xilka haya la isku dayey in la horgeeyo Maxkamadda ICC, iyadoo lagu eedeeyey xadgudubyo bina’aadaminimada ka dhan ah sida dil wadareed, kufsi iyo jidh-dil ka dhacay Gobolka Darfur.

7. Madaxweynaha Chad Mr. Idriss Déby:

Madaxweyne Idriss Deby waxa uu xilka dalka Chad (Jaad) qabsaday sannadkii 1990, kadib markii khilaaf soo kala dhexgalay Madaxweynihii ka horreeyey Mr. Hissene Habre. Khilaafkan amma isku dhacan waxa uu keenay in Deby dalka looga mastaafuriyo dhinaca waddanka Liibiya, halkaas oo uu taageero ka helay dawladdii Liibiya iyo Sudan.

Taageerada uu labadan dawladood ka helay waxa ay u saamaxday inuu weerar ku qaado Madaxweyne Habre. Sannad kadib waxa ciidammadii taageersanaa Deby gudaha u galeen caasimadda N’Djamene, iyagoo aan la kulmin wax iska caabbin ah, sidaasna ay ugu suuragashay in Idiris Deby xukunka dalkaas la wareego, isla markaana 23 sannadood haysto.

8. Madaxweynaha Eritrea Mr. Isaias Afwerki:

Madaxweynaha dalka Eratariya oo xukunka dalka qabsatay sannadkii 1993 markii ay ka saareen xukunkii Dhergiga waxa uu ilaa hadda fadhiyaa xilka dalkiisa 23 sannadood.

Madaxweyne Isaias Afwerki dalkiisa waxa uu ka hirgeliyey hal xisbi oo kaliya oo la yidhaa PFDJ (People’s Front for Democracy and Justice), waana xisbiga kaliya ee loo ogolyahay in siyaasadda dalkaas uu jaangooyo.

Waxa Madaxweyne Afwerki lagu dhaleeceeyaa inuu ku guuldarraystay fulinta hannaanka dimuqraadiga ah, taasina waxay sababtay in dawladdiisu mamnuucdo saxaafadda gaarka loo leeyahay. Waxa kaliya oo ka shaqeeya warbaahin dawladdu marsato borobagaandada ay doonayso inay dadka u gudbiso.

9. Madaxweynaha dalka Gambia Mr. Yahya Jammeh:

Madaxweynaha dalka Gambia Mr. Yaxye Jamme oo hadda uun 49 jirsaday. Waxa uu dalkiisa xukumayey ilaa 1994-kii, taasoo macnaheedu tahay inuu 20 sannadood xukunka haysta. Waxa uu xukunka qabsaday isagoo dhallinyaro ah. 

 

Sannadkii 1992 kii waxa uu ahaa hoggaamiyaha Ciidammada Golaha Xirfadlayda Ciidammada Cirka ee AFPRC (Armed Forces Provisional Ruling Council). Laba sanno kadib waxa loo dhaariyey inuu Madaxweyne noqdo, taas macnaheedu waa inuu 31 jir Madaxweyne ku noqday.

Intii uu xilka hayey wuxuu ahaa nin hadal kulul, inta badan waxa uu aad u dhaleecayn jiray guurka dadka isku jinsiga ah (Homesexuality). Sannadkii 2008 waxa uu ku dhawaaqay inuu soo saarayo sharci mamnuucaya in dalkiisa dhaqannadaas lagu arko oo ka adag sharciga ka jira dalka Iran. Waxa kaloo uu ku dooday inuu awood u leeyahay daawaynta xannuunada ay ka midka yiiin AIDS iyo Xiiqda (Asthma), isagoo isticmaala dawo dhaqameed. 

10. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Congo Mr. Denis Sassou Nguesso:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Congo oo dalkiisa xukumayey 17 sannadood waxa uu Madaxweyne noqday laba jeer. Markii ugu horraysay waxay ahayd sannadkii 1979 ilaa 1992, isagoo hoggaaminayey xisbiga kaliya ee ka jiray Congo ee la odhan jiray PCT (Congolese Party of Labour)

 

Waxa uu mar kale xukunka dalkiisa dib ugu soo laabtay markii uu dhammaaday dagaalkii sokeeye 1997kii, kadib markii ciidammadiisu afgambiyeed Madaxweynihii ka horreeyey ee Pascal Lissouba.

Intan oo kaliya maaha ee waxa jira hoggaamiyayaal muddo dheer Afrika haystan oo iyaga ku dhaw, kuwaasoo badankoodu hadda geeriyoodeen sida Madaxweynihii dawladdii Soomaaliya la odhan jiray Maxamed Siyaad Barre oo 1969 ilaa 1990 xilka Madaxweyne ahaa.

Waxa isu soo ururiyey, turjumayna: Ibraahim Khadar

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews