berberatoday.com
24th.11.1984: 32 Sanno Ka Hor Iyo Milicsiga Dhacdadii Lagu Afduubay Diyaaraddii Somali Airline!!!.
November 26, 2016 - Written by Berbera Today

Maanta oo kale, 32 sanno ka hor oo ku beegan,Subaxnimadii 24.November.1984-kii, maalin sabti ah, ayey diyaaraddii Somali Airlina, ee nooceedu ahaa, Boeing 707-338C, Flight Number-keeduna ahaa 415, duuliyena uu ka ahaa Duuliye Maxamuud Xaaji Cilmi (Xaaji Dhagax), ayaa waxay ka kacday, garoonka diyaaraddaha ee magaaladda Muqdisho, iyadoo usii jeeda magaalada Jiddah ee Sucuudi Careebiya, lakiin ku sii hakan lahayd magaaladda Berbera.

Haddaba diyaaraddaasi markii ay 30 daqiiqo hawada ku jirtay ayaa waxaa xoog kula wareegay saddex-nin oo naftood hurayaal ah, ugu horayna waxaa shidhka diyaaradda laga hago is yidhi xoog ku gal Muj,Cawil Cadami Burhaan, oo dharka ciidamadda markaas ku labisnaa, lakiin waxaa isku martay gabadh shaqaalaha diyaaradda ka mid ahayd oo la odhan jiray Sucaad Maxamed, intuu gabadhii iska furfuraayey ayaa waxaa ku soo gaadhay, nin kale oo isna shaqaalaha amniga diyaaradda ah, markaas ayuu Muj.Cawil Cadami, intuu Bastoolad la soo baxay, ninkii ku dhuftay. Markaas ayaa shaqaalihii diyaaraddu midba meel u cararay, Kabtankii oo markaas Shidhka diyaaradda ka soo baxaayeyna uu dib shidhkii diyaaradda ugu noqday, siddaas ayay hogaankii diyaaradda kula wareegeen, saddexdaas naftood-hure oo kala ahaa

Muj. Cawil Cadami Burhaan.

Muj. Baashe Muuse Maxamed (Baashe Diig).

Muj. Axmed Xaaji Maxamed (Waraabe).

somali-airlineWaxay u sheegeen duuliyihii diyaaradda,”in saacaddaas laga bilaabo diyaaraddu afduuban tahay, halkaanu ku nidhaahno ka dejina aad ka dejinaysid”. Duuliyihiina arinkaas wuu aqbalay. Markaa waxay yidhaahdeen “Waxaad naga dejisaa, magalada Cadan”, oo xiligaas caasimad u ahayd waddankii Koonfurta Yemen la odhan jiray. Duuliyihiina inuu amarkaas qaato wuu aqbalay wuxuuna isku dayey inuu Cadan ka dejiyo diyaaradda, lakiin Cadan iyo Dawladdii Koonturta Yemeni way diideen in diyaaradaasi ay Cadan ku soo degto. Xiligan weeye marka caalamka oo dhami ogaanaayo in diyaaraddii Somali Airline la afduubay, waayo dawladdii Koonfurta Yemen ayaa arinkaas caalamka u gudbisay. Xiligaas ka dibna in diyaaraddaasi afduuban tahay waa laga wadda war hayey.

Markale ayaa saddexdii nin ee Diyaaradda afduubay waxay duuliyihii ka codsadeen “inuu Jabuuti ka dejiyo”, lakiin markiiba intay ka walaaceen ayey yidhaahdeen, “waxaad naga dejisaa waddanka Libya”. Markaas ayaa Duuliye Maxamud Xaaji Cilmi, wuxuu ugu jawaaabey “Inaan Shidaalka diyaaradda ku jiraa uuna gaadhsiineyn Libye”. Markaas ayaa Afduubayaashii waxay go’aan kama dambeysa ku gaadheen in caasimada Itoobiya ee Addis Ababa laga dejiyo diyaarada. sidaas ayuu Duuliyihiina ku aqbalay inuu diyaaradda ka dejiyo Itoobiya. Waxayna diyaaraddii Somali Airline soo cago dhigatay 11:00, Subaxnimo,24.November 1984-kii, garoonka caalamiga ee Bole International Airport , Addis Abbaba.

La soco qayb kale beri insha allah.

Fadlan sii faafi (Share) si shacabka Somaliland u ogaadaan, dhibtii loo soo maray waddankooda, iyo raggii ku suntanaa, halgankaas.

Suleyman Yuusuf dhakhtar

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews