berberatoday.com
“Dalka Haddaynu haddaynu u dhiibno 11 Qof oo aynu isla garanayno, Doollarkaa la wada Karsan lahaa..” Sheekh Aadan-Siiro
November 26, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sh. Aadan-Siiro), ayaa sheegay in dhibaatooyin baahsan oo kala duwani ka jiraan wakhtigan Somaliland, isla markaana ay ugu horreeyaan Musuqmaasuq iyo Maamul-xumo uu sheegay inay hadheeyeen Hay’adaha dawliga ah ee dalka, waxaanu sheegay haddii 11 Qof oo la isla garanayo loo dhiibi lahaa hoggaaminta dalka in Dadku nolol fiican wada heli lahaayeen.

SHEEKH AADAN-SIIRO OO KA HADLAY XISBIYADA SIYAASADDA SOMALILAND 2016

Waxa uu sidaa Sheekh Aadan-Siiro ku sheegay Khudbad uu ka jeediyey Salaaddii Jimcaha ee shalay Masaajidka Xawaadle ee magaalada Hargeysa oo uu Tujiyo, waxaanu intaas ku daray in Ducada ILLAAHAY wax lagu weydiisanayaa Shuruud leedahay, taasoo ah In marka hore uu Qofku ILLAAHAY u noqdo oo uu  dembi-dhaaf ka dalbo.  

“Ducadu Shuruud bay leedahay ah in ILAAHAY loo noqdo. Markaynu kibirnay ee aynu ka badbadinay, Nabadgalyada Macnaheeda aynu garan waynay, ayaa waxay gaadhay in Xashiishadda oo Maskaxda Qofka iyo Xusuusta Abbaarta, ayaa Carruurteenii lagaga iibinayaa Shan boqol oo shilin. Miyaad is-leedahay Khamriga waxa Magaalada soo geliya oo fududeeya in koonayaasha Magaalada laga soo geliyo Dad Awood ku leh Dalka, innaga oo soo wada taagan Wadaad Gadh leh iyo mid aan lahayn, mid Lacag haysta iyo mid derajo sheeganaya.” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Aadan-Siiro.

Waxaanu Sheekh Aadan oo sii watay Khudbaddiisa intaas ku daray; “Haddii Ummad ay ku badato Xumaato waxa kor loo qaadaa Biyaha, oo waxa bata Abaaraha iyo inkaaraha. Qof lacag haysta oo Jaarkiisu bakhtiyayo Salaaddiisa waalla aqbalayaa, laakiin Macnaheeda muu fahmin.”

Sheekh Aadan waxa uu intaas ku daray in Xaafado Hargeysa ay ku nool Boqollaal Qoys oo gurmad iyo taageero u baahan si ILAAHAY inoogu naxariisto, waxaanu yidhi; “Xaafadda State-house-ka ee Hargeysa waxa ku nool Afar boqol oo Qoys oo soo ootay, oo qaar laxaad la’ ay ku jiraan, oo boqollaal Waalina ay ku jiraan, oo Buulasha ay ku jiraan ay yihiin Mitir laba Jibbaaran.”

Sheekhu oo ka hadlaya sida Islaamku u nidaamiyey Nolosha, waxa uu yidhi; “Islaamku wuxuu soo qaddimay Nidaam isku dhafan oo ka hor-tagaya Aafaadka jira, wuxuu islaamku keenay in Ilmuhu markuu dhasho Mushaharka loo qoro, macnaheedu waxa weeyaan oo Taariikhda ku sugan iyadoo Dadku xoolo dhaqato yihiin ayaa loo habeeyay wixii yaraa ee loo hayey.”

“Dalkaa haddaynu u dhiibno 11 Qof oo aynu isla garanayno oo aynu ka deyno Nidaamka aynu u fikireyno ee ah yaa ugu hadal badan, yaa Dadka booba, yaa Maslaxaddeyda wada, waxaan idiin sheegayaa in Dadku Doollarka wada karsan lahaayeen, laakiin Cilladda ina haysataa waa Musuqmaasuq iyo Maamul-xumo, inta labadaasi jiraan ee Kooxi isticmaalayso in Hargeysa ku filan, inta aynu u taagan nahay wixii Dhul Dadka ka dhexeeyay Kooxi qaadato (Dhibaatadu way jiraysaa).” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Aadan-Siiro.

Mar uu Sheekh Aadan ka hadlayey Dugsiga Hoose dhexe ee Sheekh Bashiir ee magaalada Hargeysa, waxa uu yidhi; “Bal orda  oo Sheekh Bashiir taga, Maalintii hore Lix Mitir baa la bilaabay, Cidna ma dhaqaaqin, haddana Lix Mitir oo kale ayaa lagu daray, haddana lix kale ayaa lagu daray, Maanta Wareeggii kale ayuu marayaa (Dhismuhu). Dhulkaa Sheekh Bashiir ku yaalla inta ka soo horjeedda Mitirka laba Jibbaaran wuxuu marayaa 11 Kun oo Doollar. Guriga yar oo ka soo horjeeda intaa Maanta la Xaynaabay waxa loo diiday $ 980.000 doollar.”

“ILLAAHAY ha laga yaabo, waar Taladu Laanguruusallo maaha, Tv-yada oo laga hadlo maaha, Ummadda oo la foof-daran habaabiyo maaha, waa in Caqligu shaqeeyo, oo Iimaanku shaqeeyo. Inta iimaanku sii qoyan yahay waxaan leeyahay yaanu Gurmadku Innaga noqonin Xanuun Jabiye.” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan-Siiro).

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews