|
berberatoday.com
Madaxweynihii Hore Ee Dalka Cuba Fidel Castro Oo Ku Geeriyooday
November 26, 2016 - Written by Berbera TodayCuba(Berberatoday.com)-Madaxweynihii hore ee dalka Cuba Fidel Castro ayaa waxaa uu ku geeriyooday dalka Cuba isagoo 90 jir ah kadib markii uu muddo xanuunsanaa, sidaa waxaa sheegay Telefishinka dalkaas. Fidel Castro waxaa uu dalkaasi ka taliyay muddi nus qarni ah ilaa markii dambe uu talada ku wareejiyay walaalkiisa 2008 Bishii April ee sanadkan waxaa uu Fidel Castro xafladda xisbiga ka jeediyay hadalkiisii ugu dambeeyay. Dowladda ma aysan shaacin nooca xanuun ee Madaxweynaha uu u geeriyooday. Telefishinka dowladda Cuba ayaa shaaciyay in hogaamiyihii hore ee dalk Cuba Fidel Castro uu geeriyooday. Wuxuu ahaa 90 jir ah. Geeridiisa waxaa shaaciyay walaalkii, , Raul Castro, oo xilka kala wareegay sanaddii 2008. Waxa uu sheegay in madixii kacdoonka Cuba uu geeriyooday saacaddu markay ahayd 10.30 pm xalay wakhtiga Cuba. Wuxuu dalkaasi xukumayay muddo 50 sano ah Waxaa la gubi doonaa meydkiisa Sabtida, si waafaqsan dhaqanka dalkaasi, waxaana jiri doono dhowr maalmood oo baroor diiq qaran ah. Ka dib markii uu afgembiyay kaligii taliyihii Fulgencio Batista sanaddii 1959, Fidel Castro wuxuu dalka Cuba ka alkumay dowlad shuuci ah wuxuuna muddo 40 sano ka badan astaan u ahaa Mareykan diid. Taariikh nololeedkiisa oo kooban![]()
Taariikh nololeedka Fidel Castro Intii uu socday Dagaalkii Qaboobaa, Mareykanka ayaa nacayb gooni ah u qaaday Castro iyo xukummadiisa. Inkastoo dalkiisa uu wajahayay suurtagalnimada weerar uga yimaado Mareykanka, iyo cunaqabateyn dhaqaalo oo sarnayd jasiirdaasi, Castro waxaa u suurtagashay in uu kacdoon shuuci ah ku joogteeyo dalkiisa oo 90 mile oo kali ah u jira xeebta Falorida ee dalka Mareykanka. Intii uu xilka Cuba hayay, Mareykanka waxaa soo martay 10 madaxweyne, wuxuuna ka badbaaday iskudayo ay CIA-da Mareykanka ku khaarijin rabtay.
Berberatoday.com COMMENTS
|
||||
|