berberatoday.com
Qarax lagu Hoobtay oo Muqdisho Gilgilay, Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ka Badbaaday Iyo Khasaaraha Ka Dhashay+Daawo Sawirada
November 26, 2016 - Written by Berbera Today

Muqdisho(Berberatoday.com)-Ugu Yaraan inta la xaqiijiyey 17 Ruux ayaa ku dhintay, Soddomeeyo kalena way ku dhaawacmeen Qarax wayn oo Sabtidii Maanta gilgilay magaalada Muqdisho, kaasoo la sheegay inuu ka badbaaday Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Daqiiqado ka hor maray meesha uu Qaraxaasi ka dhacay.

QARAX GILGILAY MAGAALADA MUQDISHO OO MADAXWEYNE XASAN KA BADBAADAY 2016

QARAX GILGILAY MAGAALADA MUQDISHO OO MADAXWEYNE XASAN KA BADBAADAY 2016

Qaraxa oo lagu fuliyey Gaadhi Surff (Seeraf) ah oo Walxaha qaraxyada loo adeegsado laga soo buuxiyey, ayaa ka dhacay Koontarool ku agyaalla Suuqa Beerta ee degmada Waabberi oo ku dhaway waddo laga galo garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Wararka qaar ayaa sheegaya in tirada dhimashadu intaas ka badan tahay.

qarax-ka-dhacay-muqdisho-oo-xasan-sheekh-maxamuud-ka-badbaaday-2016

qarax-ka-dhacay-muqdisho-oo-xasan-sheekh-maxamuud-ka-badbaaday-2016

Goob-joogayaal, ayaa sheegay inay arkeen Meydadka dhawr Qof oo goobtii uu Qaraxu ka dhacay yaalla, kuwaasoo intooda badan ahaa Shacab, waxaana dadka qaarkood ay intaas ku dareen in dhaawacyada iyo Meydadku ay isku darsameen. Waxaana illaa 30 Qof oo ku dhaawacmay Qaraxaas iyo illaa 17 Ruux oo ku geeriyooday halkaas ka qaaday Gaadiidka Gurmadka degdegga ah ee Caafimaadka oo u daad-gureeyey Cusbitaallada Muqdisho.

qarax-gilgilay-caasimadda-muqdisho-iyo-xasan-sheekh-oo-ka-badbaaday-2016

qarax-gilgilay-caasimadda-muqdisho-iyo-xasan-sheekh-oo-ka-badbaaday-2016

Guddoomiyaha degmada Waaberi, ayaa Warbaahinta qaarkeed u sheegay in intii Qaraxu aanu dhicin waddadaas maray daqiiqado ka hor Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Masuuliyiin la socday, isagoo ku socday Jaamacadda Ummadda oo ku dhaw goobtaas oo uu furayay ama xadhigga ka jarayey Kulliyadda Sayniska ee Jaamacaddaas laga Hir-geliyay, taasoo ku taalla meel u dhaw Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Caasimadda Muqdisho oo aanu qaraxu waxba ka fogeyn.

“Ruuxii Gaadhiga qarxay dhigay goobta uu ku qarxay gacanta ayaa lagu dhigay, Askarigii qabanayey xitaa Bir ayuu Madaxa kaga dhuftay.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha degmada Waabberi ee gobolka Banaadir oo markii qaraxu dhacay ka dib Saxaafadda qaarkeed kula hadlay isla goobta Qaraxu ka dhacay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hadal uu ka jeediyey Munaasibadda lagu furayey Kulliyadda Sayniska ee Jaamacadda Ummadda ee uu ka qaybgalay in qofkii geystay ama fuliyey Qaraxaas ay Ciidammada Ammaanku gacanta ku hayaan, waxaanu Bulshada Muqdisho ugu baaqay in Hay’adaha Ammaanka ee Soomaaliya ay kala shaqeeyaan adkaynta nabadgelyada.

Inkastoo aanay weli si rasmi ah u sheegan, haddana Kooxda Al-Shabaab, ayaa qaraxyada noocan ah ka geysta dalka Soomaaliya iyo weliba dalalka Jaarka la ah qaarkood, sida Kenya iyo Uganda oo kale, waxaanay Al-Shabaab qaraxyo kan la mid ah ka geysteen Muqdisho, iyagoo ku hanjabay inay weerarro lagu hoobto ka fulin doonto Muqdisho inta lagu gudo-jiro doorashada Federaalka Soomaaliya ee weli ay tii Baarlamaanku ka socoto.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews