berberatoday.com
Sarkaal Socod Barad Ku Ah Saaxadda Siyaasadda Kana Tirsan Xisbiga Waddani Oo Dhexda Kula Kufay Jawab Axmed Muumin Seed Loogu Soo Hiibay
November 26, 2016 - Written by Berbera Today

Dacwadda Uu Maxkamadda Geeyey Garabka Toosinta Iyo Caddaaladdu Oo Fahdhiga U Diiday Wadanaha Xisbiga WADDANI Iyo Siyaasi Layli Ah Oo Dhexda Kula Kufay Jawaab Axmed M. Seed Loogu Soo Dhiibay

saleebaan-barkhad-qolombi

Hargeysa(Berberatoday.com)-Dacwaddii uu xisbiga uu garabka toosinta iyo caddaaladda ee uu hoggaamiyo Axmed Muumin Seed ka gudbiyey xisbiga WADDANI, ayaa jiif iyo joogba u diiday hoggaanka saree e xisbigaas, waxana ku kalliftay in ilaa iyo shalay ay warbaahinta dib ugu soo celiyaan qoraallo ay ku sheegayaan kuwii xisbiga laga saaray garabkaas iyo weliba qoddobo ay sheegeen in loo cuskaday.

Warwarka haysta xisbiga WADDANI ee ay dacwaddaasi ku abuurtay, ayaa sii xoogaystay, kadib markii ay xubno hoggaanka xisbiga ahi xubin kasoo jeedda gobolka Awdal oo aan wax saamayn ah xisbiga iyo gobolka midna ku lahayn ay ku dirqiyeen inuu jawaab u diro guddoomiye Axmed Muumin Seed.

Xubinta hoggaanka xisbiga WADDANI u qoondeeyeen inuu jawaab ka daba diro guddoomiye Seed, ayaa lagu magacaabaa Saleebaan Barkhad Qaloombi, weligiina lama arag isaga isaga oo arrin siyaasi ah iyo mid kale toon aka hadlaya haatan ka hor.

Saleebaan Qaloombi oo dhalasho ahaan kasoo jeeda gobolka Awdal, ayaa hadallo deelqaaf iyo gef ah hawada u mariyey guddoomiye Axmed Muumin Seed iyo weliba xukuumadda, waxana uu tilmaamay in la wado qorshe lagu duminayo xisbiga WADDANI, “haddaanu WADDANI nahay waxanu aaminsanahay inay dawladdu ku shaqaysanayso garabkaas si ay u dumiso xisbiga WADDANI, taasina suurtogeli mayso,” ayuu yidhi Saleebaan Qaloombi.

Isaga oo hadalkiisa sii wata xubintan loosoo laqimay farriinta Axmed Muumin Seed ku socotaa waxa uu hoosta ka xarriiqay inuu dhammaaday wakhtigii uu guddoomiye Seed xisbiga WADDANI ku lahaa, waxana uu uga digay inuu astaanta xisbiga adeegsado, waxana uu yidhi, “Axmed waxan leeyahay wakhtigaagii waa dhammaaday wax dambe oo kuugu hadhayna ma jirto, waxana aad kamid tahay shacabka Somaliland, hana ku qadhaabanin wax aanad ahay, farriintayduna waa inuu ka waantoobo calanka WADDANI, hana isticmaalin astaanta xisbiga mar dambe.”

Xubinta jawaabta uu xisbiga WADDANI u dirayo guddoomiye Axmed Muumin Seed usoo laqimay, ayaan haba yaraatee wax saamayn ah ku dhex lahayn xisbiga WADDANI, isaga oo sidoo kale ah xubin aanay wax aqoon ah u lahayn bulshada ku dhaqan gobolka Awdal.

Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa werwer badan ka qaba natiijada kasoo bixi karta dacwada uu garabka Toosinta iyo Caddaaladda ee xisbigaasi u gudbiyey maxkamadda, waxana ay ku hawllan yihiin tallaabooyin ay ku xajiimaynayaan dacwaddaas.

 

 

 

Xigasho Hubaalmadia

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews