berberatoday.com
Trump Oo Haweenay Maalqabeen Ah U Magacaabaya Wasiirka Waxbarashada Dalkiisa
November 26, 2016 - Written by Berbera Today

trump-iyo-xukuumaddiisa-cusub

Washintong(Berberatoday.com)-Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Donald Trump oo weli wareysi la yeelanaya xubnaha uu doonayo inuu xilalka u magacaabo ayaa lagu soo waramayaa in Wasiirka Waxbarashada u magacaabi doono Mrs.Betsy DeVos oo ah haweenay Maalqabeen ah, kana mid ah Ganacsatada iyo Turjaarta dhaqaalaha siiya xisbiga talada la wareegaya ee Jamhuuriga.

Haweenaydan ayaa kasoo jeeda gobalka Michigan oo kamid ah gobalada uu sida dirqiga ah ugu guuleystay Donald Trump, waxaana hada socda baaqyo soo baxaya oo sheegay in dib loo tiriyo sadex gobal oo uu ku jiro gobalka Michigan oo laga shaki qabo in Computerada lagu codeeyey si farsameysan looga saaray codod badan oo ay lahayd Hillary Clinton oo doorashada looga guuleystay.

Trump ayaa hore haweenayda hada ah Guddoomiyaha Gobalka South Carolina Nikki Haley oo asal ahaan kasoo jeeda dalka India u magacaabay Safiirka Maraykanka u fadhiya Qaramada Midoobay.

Dhinaca kale waxaa la hadal hayaa in nin kale oo isaguna Maalqabeen ah loo magacaabo Wasiirka Ganacsiga. Ninkan oo lagu magacaabo Wilbur Ross ayaa ah 78 sano jir. Maalqabeenkan ayey hore fadeexo uga raacday shilal ka dhacay mid kamid ah Shirkad uu lahaa oo Qodi jirtay dhuxusha dhulka laga soo saaro.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews