berberatoday.com
Xafiisyaddii Dawlada Oo Haawanaya,Wasiiraddii Ugu Tirada Badnaa Oo Galbinaya Waftiga Madaxweynaha Iyo Kharashka Waftigaasi Ku Baxaya Oo Waraabin Lahayd Boqolaal Qoys Oo Abaaruhu Ku Dhufteen
November 26, 2016 - Written by Berbera Today

Gudaha Ka Akhri Tirada Iyo Magacyada 13-Wasiir Oo Wata Istaafyadoodii Khaaska Ahaa
Oo Lasocda Waftiga Madaxweynaha Iyo Kharashka Kubaxaya Oo Xadka Ka Baxsan

wasiirada-xukumada-siilanyo
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiiraddii iyo Masuuliyiintii ugu tirada Badnaa Xukuumadda Somaliland ayaa doorkan galbinaya Waftiga Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ku marayo Deegaamaada Abaartu ragaadisay ee Gobolada Bari,Waxaana gabi ahaanba cidlo ah oo aanay wax shaqo ahi ka socon Hay’addihii dawlada oo haawannaya, islamarkaana Waxa qaab habqan ah u dhex Wareegaalaysanaya Xarumaha Wasaaraddaha Shaqaale hoosaadkii, halka Qaarka ka mid ah Wasaaraduhu ay xidhan yihiin oo aanay Cidiba joogin kadib markii ay Wasiirkii iyo Masuuliyiintii kale ee u sareeyay ay raaceen Waftiga Madaxweynaha.
Magacyada Wasiiradda Wargeyska Foore helay ee Raacay Waftiga Madaxweynaha ayaa waxa ay kala yihiin sidan,Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Fartoon,Wasiirka Wasaaradda Biyaha Baashe Cali Jaamac,Wasiirka Wasaaradda Warshadaha Shacayb Maxamed Muuse,Wasiirka Wasaaradda Beeraha Maxamed Awdaahira Ibraahim,Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Cabdilaahi Ibraahim Habane,Wasiirka Hawlaha Guud Iyo Guryaynta Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexaan),Wasiirka Maaliyadda Somaliland Samsam Cabdi Aadan,Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamud Xashi Cabdi,Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse),Wasiirka Caafimaadka Salebaan Ciise Axmed (Xaglotosiye),Wasiirka Warfaafinta Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani),Wasiirul dawlaha Nabadaynta Gobolada Bari Somaliland Cabdirashiid Xuseen Cabdile,Wasiirka Duulista Somaliland Farxaan Aadan Haybe.Waxa ay Masuuliyiintani iyo qaar kaleba La socdaan Waftiga Madaxweynaha Somaliland,Iyagoo Hargeysa ka raacay.
Marka Dhinaca kale laga eego,Waftiga intaasi leeg iyo Wasiiradda tiradaasi leh,Waxa ku baxaya kharash badan oo xadi ah,Waxa uu Wasiir kastaa wataa istaafkiisii iyo gaadiidkiisii,Waxa uu Masuul kastaa isticmaalayaa Shidaal aad u badan iyo Kharash kale oo ku saabsan dhinaca Cuntada iyo Biyaha ,iyadoo ay dheer tahay hurdadii huteelada ay seexanayaan iyo kharashka kale ee ay quudanayaa Shaqaalaha gaarka ah ee uu Wasiir kastaa gaarkiisa u wato.Kharashka ku baxaya Waftiga Madaxweynaha iyo Wasiiraddiisa tirada intaasi leeg ahi,Haddii la laga faa’iidayn lahaa waxay waraabin lahayd Boqolaal kun oo qoys oo ka mid ah dadka abaartu ku dhufatay ee ay safarka ku marayaan,balse waxa meesha ka maqan la xisaabtankii madaxweynaha ee Hay’addaha dawlada iyo in talaabo kasta oo la qaadayo laga fikiro, faa’iidada iyo Khasaaraha ay keenayso. Maaha markii u horaysay ee Wafti intaasi leegi Madaxweynaha raacaan balse waa wax ku soo noq noqonaya Xukuumadda Madaxweyne siilaano inay safarada noocan oo kale ah caado u noqdaan,Waxaana la ogaa safarkii u dambeeyay ee uu Madaxweyne siilaanyo ku tagay Dalka ingiriisa oo wafti aan intani ka yarayn oo wasiiro ahi Hargeysa ka raaceen.
Lama garanayo waxa ay Masuuliyiintani u cidleeyeen Xafiisyadoodii ee ay u raaceen Waftiga Madaxweynaha,Waxaana gabi ahaanba Haawanaya Xafiisyadii ay Qaranka uga masuulka ahaayeen,iyadoo ay dhex taag taagan yihiin oo qudha Shaqaale hoosaadkii. Waxa Safarada noocan oo kale ah ee aan laga fiirsan kharashka ku baxayaa ay Qaranka ku keeni karaan in Khasnadaha dawladu khatar galaan oo ay dawladu musalafto,Waana abaar labaad saamaynteeda Wadata.

 

 

Xigasho Wargeyska Foore

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews