berberatoday.com
Madaxweynaha Iyo Weftigii Uu Hogaaminaayey Oo Lagu Soo Dhaweeyey Degaanada Fadhi-gaab, Xayira, War-idaad, Gar-adag Dibna Ugu Soo Laabtay Togdheer
November 27, 2016 - Written by Berbera Today

 Burco(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane axmed maxamed maxamuud (Silaanyo) iyo weftigii uu hogaaminayey ee u kuurgalayey Xaalada Abaareed ee ka jirta gobollada bari ee dalka Somaliland ayaa socdaal ku soo maray deegaano ka kala tirsan Sanaag iyo Togdheer.

War-qoraal ah oo ka baxay xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland ayaa waxa uu u dhignaa sidan:-

“Weftigii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee muddada sideeda maalmood ah ku guda jiray socdaalkoodii Tabantaabo, ayaa shalay ka soo kicitimay magaalada Ceerigaabo oo ay laba habeen u dhexeen, weftiga Madaxweynuhu, intii ay socdaalka ku jireen Madaxweynuhu waxa uu soo kormeeray hawsha baaxada leh ee ka socota waddada isku xidha Burco ilaa Ceerigaabo loona bixiyey Silaanyo Road.

Geesta kale, Madaxweynuhu waxa uu soo dhaweyn miisaan leh kala kulmay shacbiga ku dhaqan deegaamada Yufle, Ceel-afweyn, Fadhigaab, Gar-adag, War-idaad, Xayira iyo dhamaan tuulooyinka  u dhexeeya Togdheer, Sanaag iyo Saraar, oo dadka ku sugani ay Madaxweynaha iyo weftigiisa ku qaabileen soo dhaweyn mug iyo miisaan leh, isaga oo Madaxweynuhu u jeediyey khudbado kala duwan dadka una duceeyey in Alle abaarta ka soo furto oo raxmad kheyr qabta u shubo.

Madaxweynaha oo shacbiga ku dhaqan gar-adag ay u sameeyeen hadhimo sharafeed ayaa qadada ka dib u soo dheemaalay dhinaca War-idaad oo uu Madaxweynuhu xog waran ka dhegeystay dadka ku dhaqan halkaasi una sheegay ujeedada safarka weftiga uu gadhwadeenka ka hayey, sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu dhagax dhigay dugsi Boodhin ah oo loo dhisayo magaalada Xayira, kaasoo loogu magac daray Mujaahid Cabdilaahi Cali Suufi oo ka mid ahaa halgamayaashii dalkan u soo halgamay.

Ugu dambayntii waxay  weftigii Madaxweynuhu soo gaadheen magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco, waxaana laamiyada magaalada isugu soo baxay oo ka qayb qaatay soo dhawaynta Madaxweynaha shacbi aad u tiro badan, halka maamulka heer gobol iyo heer degmo oo ay weheliyaan madax-dhaqameed, waxgarad, waayeel, xildhibaano iyo bulshada qaybeheeda kala duwanina ay kaga horyimaadeen duleedka magaalada una soo gelbiyeen dhinaca guriga martida ee Burco oo uu Madaxweynuhu xalay ku soo degay.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews