berberatoday.com
Daawo Muuqalka”Madaxweyne Siilaanyo Oo U Hoyday Berbera Iyo Qoorweynta Gobolka Saaxil Oo Caawa Jilbaha Ay Is-Dhigeen Iskuna Afgartay In La Dhiso Musharraxa Kulmiye Muuse Biixi Iyo Qardoofooyin Siyaasadeed Oo La Iska Shaafiyey.
November 27, 2016 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Siilaanyo iyo wafti ballaadhan oo uu horkacaayo ayaa Maanta qado loogu sameeyey Xarunta Gobolka Saaxil ee Berbera, halkaasoo si ballaadhan loogu soo dhoweeyey Madaxweynaha iyo waftigiisa. Waftiga Madaxweynaha ayaa kasoo laabtay safarkooddii taban-taabo ee ay ugu gurmadeen Xaaladda Abaareed ee ka jirtaa dhulka Somaliland intiisa badan, gaar ahaana gobollada bariga S/land oo ay abaartu halakeysay dadkii iyo duunyadii gobollada Sool, Sanaag Iyo Togdheer, waftiga ayaa safarkooda taakulo gargaar ku gaadhsiiyey Gobollada Sool, Sanaag iyo Togdheer.

Waftiga Madaxweynaha ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey xarunta Gobolka Saaxil ee Berbera, waxana soo dhoweyntiisa si weyn uga qaybqaatay shacab aad u tiro badan, kuwasoo lulaayey calaam qoyan iyo sidoo kale weedho lagu soo dhoweynaayo waftiga Madaxweynaha.

Waftiga Madaxweyne Siilaanyo ayaa Caawa u hoyday magaaladda Berbera, kuwasoo deggay Guriga Madaxtooyadda ee Gobolka, waxanu Madaxweynuhu shirar kala duwan la qaatay waxgaradka iyo haldoorka gobolkaas. Shirarkaas ayaa lagaga wada hadlay wixii Gobolku Xukuumada ka tirsanaayey, isla markaana waxa la iska shaafiyey qardoofooyin siyaasadeed oo hore u dhexmaray.

Madaxweynaha ayaa waxa safarkiisan ku wehelinaayey Musharraxa Madaxweynaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi, wasiiro tiro badan, Maayiradda dalka iyo sidoo kale Masuuliyiin Xukuumada ka tirsan

Dhinaca kale, Inkastoo aanu jirin wax warar ah oo kasoo baxay kulamadaas ayaa haddana nuxurkooda waxa lagu sheegay inay Madaxweynaha iyo waxgaraadka Gobolka Saaxil ka wadahadleen arrimo door ah oo ay kamid yihiin wada-shaqeynta Xukuumadda iyo Gobolka iyo weliba in dhinac looga soo wada jeesto wixii dhismaha qaranka waxyeelaaya sidoo kalena waxa kulankaa lagaga  hadlay  sidii Xukumadu utixgalin lahayd bulshada deegaanka Gobolka Saaxil loo siin lahaa ixtiraamka ay qaranka ka mudan yihiin maadama oo ay Berberi tahay ishii dhaqaalaha ee dalka Somaliland.

Waxa kaloo, wararka shabakadda Wararka Berberatoday.com heshay sheegayaan in Madaxweynaha iyo Qoorweynta Gobolka Saaxil jilbaha is dhigeen, in shacabka gobolka Saaxil taageero la garab galaan Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi, isla markaana waxa Madaxweyne Siilaanyo caddeyey in gobolka Saaxil yahay meelaha ay taageerada weyn ka filayaan xisbi ahaan.

Docda kale, xoggaha laga helaayo kulamadaas ayaa shaaca ka qaaday inay waxgaraadka gobolkaasi niyad sami ku qaabileen dalabka Madaxweyne siilaanyo ee ku wajahan taageerada Musharraxa Xisbiga Kulmiye Muj. Muuse Biixi Cabdi, waxanay ballaan qaadeen inay hiil iyo hobo la garab geli doonaan. 

Halkan Ka Daawo Muuqalka hadal Kooban Oo Madaxweyne axmed Siilanyo Kulankaas Jilbaha lays daray ka jeediyay

https://youtu.be/cG0zlMqmk_U?t=16

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews