berberatoday.com
Maxaad Ka Ogtahay Halista Cabida Sigaarka Dadka Qaba Cudurka Macaanka(Sonkorta)
November 27, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Inkastoo sigaarka uu aad ugu daranyahay caafimaadka, waxaa intaa dheer in dadka sokorowga qaba ay usii dheertahay khatarta dhimashada sida lagu xaqiijiyay cilmi baaris cusub.sigaar

Dadka sigaarka badan caba oo sidoo kale sonkorow qaba ayaa halis ugu jira labo jeer dhimashada hore marka loo eego kuwa sigaarka caba ee aan cudurka sonkorta dhiigga qabin, ayaa daraasada lagu sheegay.

“Sigaarka wuxu u daranyahay qof walba , laakiin wuxu u sii daranyahay kuwa qaba cudurka macaanka,” ayuu yiri Dr. Joel Zonszein, oo ah agaasimaha xarunta caafimaadka Diabetes Center ee Montefiore Medical Center ee magaalada New York.

kaasoo dib u eegay natiijooyinka cusub. Baadhitaanka ayaa waxa sameeyay cilmi baarayaasha jaamacada University of Colorado, ee magaalada Denver, iyagoo xogta ka uruuriyay in ka badan 53,000 American ah oo ahaa kuwa hadda ama mar hore sigaarka cabi jiray.

Halista guud ahaan dhimashada xili hore ayaa ah qiyaastii laba jibaar haddii qofka sigaar cabka ah uu leeyahay cudurka macaanka, cilmi baarayaasha ayaa sheegay.

Guud ahaan, ku dhawaad 13 boqolkiiba dadka sigaarka cabba ee qaba sonkorowga ayaa u dhintay inta lagu jiray mudada baaritaanka ee toddoba sano, iyadoo keliya in ka yar boqolkiiba 7 kuwaan qabin macaanka marka la barbar dhigo.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews