berberatoday.com
Qodobadda Muhiimka Ah Ee Ay Koobsatay “Maansada Qaran Ku Baaq Ee Uu Curiyay Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax
November 27, 2016 - Written by Berbera Today

laabsaalax2Waa Maansada (Qaran Ku Baaq)
Waxa Tiriyay Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax oo ka mida hormuudka Suugaanta Wakhtigan.
Maansadu waxay si Xeel dheer uga Hadlaysaa Xaaladaha Dalka ka jira gaaar ahaan Qabyaalada oo bulshada wakhtigan La Nool.

hadaba akhriste bal si fiican uga bogo waatan maansadii oo dhamaystiraniye.

Qoraxda Dhalataa, Qisooyin Dhashoo.
Taariikh Is Qortaa…Xaqiiqda Qirtoo.
Qabyadu Noloshay, Ka Qayb Tahayoo-
Dunida Qaxarkaa, Qareen La ahoo
Hadaad Qani Tahay Inbaa Qatanoo-
Hadaad Qun u taal Inbaa Qaxaysoo
Hadii Qolqolkaa, Biyuu Qotomaan
inbaan kula Qabin- Nimcada Qaroo
Hadaad Qaran Tahay Inbaa Qubaa
Qoriga Wax Dilyo- Qaraxyo ku dhibtee
Hadaad Qaldaneey- Hadana Qumaneey
Bulshooy Quuseey Hadana Qasti-laay
Quruun Isku mida- Afkiyo Qawlkoo-
Qaadirku Ku Beeray Meel Qudha,oo
Sasuun Kala Qaba -Qumaati Tihiin
ogow Qoomiyada- Dunida Quwadlaa
afkaar kala qaba Dastuurna Qortee
Kursiga Ha Qabsado, Qabiilkaan ah
Nabada Ha U Qubin Qanaad Ku Tahe ————  ……….
Dhaaxaan Qufushoon, Afkaba Qabsadee-
Inaan Runta Qeexo- Dantaa Qasabtee-
Intii Qawadee, Qawlkaygu dhibaay
Qoraxda duhur Taagan, miyaa Qariyaaa?—

Qabsoo Dhalintii, Qalinka Sidataa
Sidii Cashar Qoran, Qabiil Baratoo
Reer reer u Qoqoban Hadeer qayboo
Booraan Qodanbaan U Qayd Xidhanoo
Malaha Qaaciyo, Qiiqaan Arkayaa
Qayrkay Maba Oga, Sidaan Qaba oo
Ma Qoonsan Dadkuba Waxaan Qawadee
Qajeele Hadii Badhkeen Qarin Jiray
Wataa Qayaxnaan, Qaangaadh noqotee
Duulkii Qodobiyo Qaynuunka nacee
XeeriI Qaban laa, Ka Dhigay Qaladkee
Qabyaalada door bidoow Is Qabtaay
Quruumo Horey Rogtee is Qabtaay
Qoonteeduna Way Fogtee is Qabtaay

.
Qubkaa Basashay La Qaabtahayoo
Cadawga Qarankay Qumaati Tahoo
Qoriga Wax Dilay Qabaan U Tahoo
Dhiigoo Qulqulay ku Qaayiban Too
Hung iyo Qanacbay La Qoys Tahayoo
Colaado Qarxay Qareen U Tahoo
Damiir Qoon may Qal Qaal U Tahoo
Is Qaawin Cadbay U Qiil- Tahayoo
Is Qiima Tirbay Ku Qeexantahoo
Qataariyo Waa Qardhaasta Jinkoo
Intii Qudhunay Ku Qoofalantee
Qabyaalada Màad Qalbiga Ka Tirtaan
………….

Intay Qolo-Qolo, U Qaybsanyihiin
Qabiilka Intay, Qadarin U Hayaan.
Intay Qoon Hore,Rabaro Qodayaan
Intay Qarfo Jaan, U sii Qaxayaan
Intay Kala Qanac ku Kala Qubanyiim
Intay Qasbayaan, Hidaha Qoomkale
Intay Qadarkii , Ilaah Qawadaan
Miyay Quruxiyo, yeeshaan Quwado
Qoomkii is-Nacaa, Miyay Quusiyo.
Qabyiyo Ka ka baxaan, inay qoqobmaan

Adoo Qaranaad, Ku Faantay Qoloo.`
Waxaad Qabsataa, Lagaa Qariyoo-
Waxaad Qastaybaa, Laguu Qurxiyoo-
Adaa Qal-qalooc, u Qiil-dayayoo
Adaa Qardajeec ,Qumani Bidayaan
Qoontaada Bulshooy, Qaybaad Ka Tahoo
Adaa Qalad Jira, Indhaha Ka Qarshoo
Ninkii Qaska Wada Ka Dhiga Qumanoo
Qabiil ku Difaaca, Kii Ku Qashee.
Qabyaalada Baas Maxaad Ku Qabtaan?
……………………….

Quluubta Bulshada, Waxbaa Qufuloo
Waxay Qabtayee Shalay Qabsadiyo
Qaskii dhacay-iyo Qabtiyo Firxadkii
Wixii Qulub Jiray – dharaaraha Qaar
Adoon Wax Ku Qaadan, Qoobka Jabkii
Aan Qeexo Hadeer, Dantaa Qasabteee
Qamuunyo Marbaad,Dhibaato Qabtoo
Marbaad Qamadiga, Abaal Ku Qabtaa
Duruufta Qadhaadh, Marbaad Qalashoo
Qoxooti maraabaa, ahayd Qaxayoo
Marbaad Quudhsiga, Adoon U Qalmayn
Bulshooy Qurbihiyo, Dhulkale Qabatee.
Hadaad Qaran Tahay, Maantaba Quwadloo
dunidu u qirayso, waxay Qabsadeen,
-Kursiga Ha Qabsado, Qabiilkaan ah
Nabada Ha U Qubin Qanaad Ku Tahee ———–
Nimaan Quudhsiga- Dharaar Qawadayn
Nimaan Qodobiyo sharcigu qabanayn
wuxuu qalad falo,Nimaan Qarsanayn.
Nimaan u Qalmayn -Xilkana Qaadayn
Qardoofaalaha, Qaskeeda rabiyo
Hadii Qabadkii, Odayo Qadimaan
Adaa ku qasbane,Qabsoo umad-yahay-
Nin Quusa Hadaad- Nin Qaran Moodoo
Qabiil Lagu Xulo , Muxuu Wax Qabtaa>>

Duqii Qaban Kara, Tolkii Ka Qaldama
Qiirada Reernimo Haday Qaadoo.
Inay Qudh Baxdiyo, inuu qaran dumo,
Inuu qarash helo,Ka Qimeeyaa.
Dhaaxuu Qaxan Shiday Qasaaro Dhalee
Qawlaystaha baas hadmaad iska qaban.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews