Shirkadda SO! Ee Igaadhsiinta Internet Oo La Siiyey Abaalmarinta Gudbintii Tooska Aheyd Ee Ciyaarihii Gobollada Somaliland
November 27, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasaaradda Dhallinyarada Iyo Ciyaaraha ayaa Abaalmarin Ku Maamustay Shirkadda SO! LTD, Doorkii Weynaa ee ay ka Qaadatay Gudbinta tooska ah (LIVE) Ee Ciyaarahii Goballada Somaliland ee dhawaan ku qabsoomaan Hargeysa Stadium.
Shirkadda SO! LTD ayaa Abaalmarinta ku muttaysatay kaalintii lama ilaawaanka aheyd ee gudbinta tooska ah ee ciyaaraha goballada Somaaliland, iyadoo xilli ciyaareedkaasina Shirkadda SO! LTD dalka kusoo kordhisay internet noociisu dalka ku cusub yahay oo xawaarihiisu aad u dheeraynayo, iyagoo adeegsanaya xadhiga awooda badan ee internet-ka ee loo yaqaano “Fiber optic”, sidoo kalena Shirkadda SO! LTD waxay suurto galisay in ciyaaraha Gobollada Somaliland laga daawado baraha bulshada sida Face book, Youtube-ka, waxaanna intaasi dheeraa inay garoomada Hargeysa Stadium iyo Timacade Basketball ay ugu deeqday khad Wireless internet ah oo ay isticmaalayeen daawadayaasha ciyaaraha ka qayb galay ee ku sugnaa garoonadaasi, iyagoo daawadayaashu isticmaalaya internet-ka shirkadda SO! LTD oo bilaash ah ayey si toos ah ugu gudbinayeen Ciyaaraha Asxaabtooda kale ee ku kala sugnaa dalka gudihiisa iyo dacallada dunidaba.