berberatoday.com
Cuntooyin Guba / Jidhka Ka Saara Dufanka Cuntada Ee Khataraha Caafimaad Ee Badan Keena –
November 28, 2016 - Written by Berbera Today

Dubai(Berberatoday.com)-Dufanka cuntooyinka inta badan ku jira, gaar ahaan hilibka xoolaha ayaa marka uu jidhka ku ururo waxa uu keenaa khataro badan oo caafimaad, kuwaas oo ay ka mid yihiin Kalastaroolka iyo in xididdada dhiiggu ay xidhmaan.

Qormadan oo shabakada Berberatoday.com afsoomaali u rogay ayaa shabakadda caanka ah ee MBC ay ku sheegaysaa noocyo ka mid ah khudradaha dalkeenna laga helo oo si yaab leh u gubi kara dufanka jidhka, waxa aana ka mid ah:

1) Caffeine: Maadadda Kaafiyeen oo inta badan ku jirta bunka ayaa ka mid ah cuntooyinka burburiya dufanka ku urura jidhka, waxa se’ muhiim ah in bigays lagu cabbo. Laakiin xasuusnoow in bunka cabbistiisa badani aanay caafimaadka u fiicnayn gaar ahaan dadka leh dhiigkarka, wadne xanuunka, kelyo xanuunka, iwm.

2) Afakaadho: Khudradda afakaadhada oo in kasta oo aanay dalkeena ka bixin haddana muddooyinkan dambe aad loo helo ayaa iyaduna ka mid ah cuntooyinka qofka dareensiiya dheregga ee cuntada badan ka hor istaaga, sidaa awgeed waxa uu dhimaa miisaanka waxa aanu dhiirrigeliyaa in jidhku iska saaro dufanka hore.

3) Cananaaska: Cananaaska oo qani ku ah ganka ayaa isna qofka sida Afakaadhada dareesiiya dhereg, sidoo kalana guba dufanka jidhka ku jira.

4)  Liin dhanaan: Liin-dhanaantu waxa ay jidhka ka nadiifisaa suntan, iyo maaddooyinka dhibaatada ku keeni kara ee cuntada ku lammaa, waxa aanay ka hortagtaa in dufanku ku ururo jidhka.

5) Rummaanka: midhaha rummaanka waxaa ku jira maaddooyin jidhka kala dagaalama suntan, isla markaana xoojiya awoodda dheefshiidka, waxa kale oo uu jidhka ka caawiyaa in uu iska saaro suntan, in uu yareeyo amateedka iyo in uu dufanka jidhka ku urura furfuro.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews