“Cali Khaliif Waa Oday Ka Muuqda Odayada Dhulbahante, Talooyin Ayaana Looga Baahanyahay”Xildhibaan Saleeban Cali Koore
November 28, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye ayaa hadlay Safarka Madaxweynaha, waxaanu sheegay in Madaxweynuhu ka qayb galay Shir Siyaasiya oo ka dhacay Degmada Xudun, waxaanu tilmaamay in Shirkaasi daba socday Shirkii Awr-Goobays, isla markaana Guddi u saaray.
Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Cali Khaliif, iyo qodob kale, waxaanu yidhi isagoo ugu horeyn ka hadlay dib ugu soo laabashada dalka ee Cali Khaliif Galaydh“Cali Khaliif Galaydh waa Oday weyn oo Siyaasiya oo ruug caddayaa, inuu dalkiisa ku soo noqdana aad baan u soo dhaweeynayaa, soo dhaweeynta aanu soo dhaweeynaynaana maaha in Deeganaada Sool, Xaysimo Buuhoodle iyo Ceerigaabo inuu isagu ka talinayo, balse Cali Khaliif waa Oday ka muuqda Odayada Dhulbahante, meesha ay hadda marayso Somaliland ayaanu kala qabsanayaa, talooyin baana looga baahan yahay”.