berberatoday.com
Shuban Ka Dillaacay Deegaan La Iskugu Keenay Kumanaan Qoys Oo Abaartu Soo Baro-kicisay & Cabsi Laga Qabo Xanuunno Kale Oo Ka Dhasha Bakhtiga Xoolaha
November 28, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Shuban iyo Xanuunno kale ayaa laga soo sheegayaa inay ka dillaaceen tuulada Coodanle oo ka tisan Degmada Buuhoodle ee Gobolka Buuhoodle ee Somaliland.

Tuuladan oo ay isku yimaaddeen Kumanaan Qoys oo kasoo qaxay Gobollada abaartu ka jirto ee Bariga Somaliland, ayaa la sheegayaa in caafimaadka Bulshadu ka sii darrayo Xaaladda Nadaafad-daro ee ka Jira halkaasi Awgeed.

Warka Koowaad (3)Waxaa la sheegayaa in dadku xannuunada ka qaadayaan Bakhtiga Xoolaha oo meel kasta yaalla isla-markaana imika la bilaabay sidii loogu Gubi lahaa Bakhtiga Xoolaha si aanay Xannuuno kale uga Dillaacin.

Guddoomiyaha Tuullada Coodanle Xinne Maxamed Salaax oo Xalay Khadka Telefoonka  kula soo xidhiidhay Wargeyska Himilo, ayaa ka dayriyay Xaaladda Caafimaadka ee Deegaankaas, maadaama shacabka kala duwan ay iskaga kala yimaaddeen Gobollada Abaartu saameysay.

“Tuullada Coodanle Caafimaadkii wuu liitaa, waxaa ka Dillaacay Xannuunada Dureyga, Madax Xannuun iyo Shuban, waa meel la iskugu keenay Kumanaan qof oo ka yimid shanta Gobol ee abaartu ka jirto Somaliland”ayuu yidhi Guddoomiye Xine, waxaanu intaasi ku ladhey “Waxaa joogaa Qolladii xannaanada Xoolaha oo Gubaya Bakhtigii iyo Kooxo ka socda Caafimaadka iyo Bisha Cas oo dadkii Shubanka Daweynaya, Laakiin Xaaladda Caafimaadka ee Coodanle way adag tahay”

Guddoomiyaha Coodale wuxuu sidoo kale ka dayriyay Xaaladda waxbarasho ee Deegaanka, waxaanu sheegay in dad badani ay ku waxbarasho waayeen Abaaraha ka Jira Somaliland, isagoo waxbarashada ka sakow, meesha ka saaray Noloshii Caadiga ahayd ee Shacabka, maadaama buu yidhi dadkii ay la’yihiin hoy iyo Cunto.

“Waxbarasho ma jirto oo waa dad ka soo qaxay Deegaankoodii, laakiin waxay la’yihiin Cuntadii, Xaafadaha Qaarkood waxay Degan yihiin bannaan Cad oo bilaa Guri ah”ayuu yidhi Xine.

Tuulada Coodanle waxaa la iskugu keenay inta badan dad abaartu saameysay ee Gobollada Bariga Somaliland, kuwaasi oo xukuumaddu halkaasi ku siinayso wixii loo awoodo.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews