Diyaarad Si Degdeg Ah Loogu Soo Dajiyay Garoonka Nairobi Ee Caalamiga Ah Kadib Markii Ay Cilladowday
November 28, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Diyaarad ka timid Soomaaliya ayaa caloosha dhigatay garoonka caalamiga ah ee Nairobi shalay galab.

Diyaaradaa ayaanay Wax dad ahi ku dhaawacmin laakiin garoonka ayaa shilkaasi keenay in la xidho. Maamulka garoonka ayaa sheegay in diyaaradu ay siday afar qof oo qudha markii shilkaasi ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta International Airport.