berberatoday.com
Reer Sanaag Ceel Uma Qodna, Cidbaase U Maqan!Cabdilaahi Axmed Maxamed (Cabdilaahi Dahab)
November 28, 2016 - Written by Berbera Today
xidhiidhkaaaHargeysa(Berberatoday.com)-Xoghayaha Xidhiidhka Gobolada Iyo Degmooyinka Ee Xisbiga Waddani Isla Markaana ah Xubin Kamid Hogaanka Sare ee Xisbigaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed (Cabdilaahi Dahab) oo Safar Shaqo Ku Jooga Dalka Jabuuti ayaa walaac ka muujiyey xaaladda abaaraha Gobolada Bari ee Somaliland isaga oo xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE ku eedeeyey in ay guud ahaan dalka gaar ahaan goboladaasi hagradeen taa baddalkeena gurmadkii abaaraha loogu baxayay ay kaambayn siyaasadeed u baddaleen. Xoghaye Cabdilaahi waxa uu umadda reer Somaliland gaar ahaan reer Sanaag ugu baaqay in ay gacmaha is qabsadaan oo ay iyagu isku tashadaan ILAAHAY-na SWT talo saartaan.

Xoghayaha Xidhiidh Gobolada Iyo Degmooyinka Ee Xisbiga Waddani Mudane Cabdilaahi Axmed Maxamed (Cabdilaahi Dahab) oo arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Waa ineynu mar walba Alle SWT barino isaga uun baa awooda inuu inaga dul qaado dhamaan dhibaatooyinka dhaqan dhaqaale ee umaddeena maanta haysan. Waxa aan isku dayi doonaa in aan halkan kaga hadlo waftiga Xisbiga xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE ee Ololaha u baddalay xaaladda gurmadkii Abaaraha wakhti aanay umaddu qaadi Karin olole siyaasadeed iyada oo duunyadii baxday dadkiina halis ugu jiro macaluul. Waaban ka gam’I lahayn haddii boodhkoodaa iyo batookhoodaa ay ummaddaa jilicdasan ee reer Sanaag wax ku soo tari lahaayeen.

Waxa xusid mudan in guud ahaan Gobolka Sanaag shacabkiisa ay kaliya kasoo gaadhay 65-kun oo dollar lacagihii malaayiinka Dollar ahaa ee illaa sannadkii hore la yaboohinayey ,weliba guddiga abaaruhu tuu ka guray dadweynaha reer Somaliland qaybahooda kala duwan ayaa bixiyey lacagtaa. Waxa la is waydiin karaa aaway lacagtii malyuumaadka ahayd ee miisaaniyadda sannadkan laga reebay?, aaway dhaqaalihii xoogganaa ee xaqul qalimka lagu qaatay?, dadka reer Sanaag Ilaahay bay leeyihiine waar lafihiina u tudha oo xaaraanta ka daaya ubadkiina iyo ehelkiina miyeydaan ogeyn in meesha aad tagteen sida warbixinta waayeelku idinku siiyey inay dhawr sano jir tahay abaartu. Miyeydaan ogayn in xoolahaa aad kala bakheyleysaan muwaadaniintii xaqa u lahayd in leydin weydiinayo ifka iyo aakhiraba, walaala yaal guddidan abaaraha qaranka maxaa hoos cararsiiyey calanka Xisbiga KULMIYE,  miyaanay ahayn in maanta maalin ka horreysay oo ay dadku gaajoonayeen iney u keenaan inta yar ee ay u ogol uihiin?.

Waxa kale oo aan is waydiin karnaa halka ay martay ee xukuumadda KULMIYE gaysay lacagtii 25% ahayd ee sannadkii hore miisaaniyadda laga jaray ee la yidhi xaaladda abaaraha ee degdegga ah ayaa wax lagaga qabanayaa?.

Walaalayaal, dalkeena dhibaatada ugu weyn ee haystaa waa musuqmaasuq, guddidu miyaanay ogeyn markey hantidii ummaddu bixisay ee abaaraha loo bixiyey ay calanka KULMIYE la hoos ordaan inay tahay musuqii ugu weynaa, dalku qorshuu u baahan yahay sidan umadina uma noola, waa in la helaa qorshe dhameys tiran oo lagu yaraynayo dhibta waxna lagaga qabanayo dhibaatada soo noqnoqnaysa ee abaaraha iyo macaluusha ah, waxaan dadka reer Sanaag  xasuusinayaa iney isticmaalaan barnaamijkoodii maskiin kalkaal ee jaarku jaarka kale kaga war hayey, anoo halkan farriin uga diraya oo leh ceel uma qodna cidbaase idiin maqan Inshaa Allaah.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews