berberatoday.com
Sir La Helay Madaxweyne Siilanyo.Musharaxa Muuse Biixi, Wasiir Maxamud Xaashi Iyo Siyaasi Cabdicasiis Samaale Oo Go,aan Ka Gaadhay Hogaanka Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Dabadii Iyo Xubno Lasii Magacaabay
November 28, 2016 - Written by Berbera Today

samaale3Ceerigaabo(Berberatoday.com)-shir alabaabadu xidhan yihiin oo Madaxweyne Axmed Siilanyo, Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye ahna Gudoomiyaha xisbigaasi Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Madaxtooyada Maxamud Xaashi Iyo Siyaasi Cabdicasiis Samaale ku galeen Xarunta Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo ayaa lagu soo lagu goaamiyay cida Xisbiga Kulmiye hogaamin doonta Doorashada Madaxweynaha kadib ee lagu wado inay dhacdo bisha afraad ee sanadka 2017ka .waxa kaloo iyagana la sheegay inay kulankaas qeyb ka ahaayeen Madax dhaqameed kasoo jeeda beelaha habar Jeclo oo ubadan Beesha Muuse Abokor ee uu kasoo jeedo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamud Xaashi Cabdi oo kulankaas isagu qaban qaabadiisa lahaa.

Garnaqsi dheer oo ay jilbaha isdareen Madaxweyne Axmed Siilanyo iyo waxgaradka beelaha habar jeclo gaar ahaan Beesha Muuse abokor ayaa waxa lagu go,aamiyay in Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye lagu wareejiyo Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi hadii ay doorahsda madaxtooyadu xiligeedii ku qabsoonto kadib marka doorashadaas lagu kala calaf qaado mudo kooban ka bacdi sidii uu Madaxweyne Siilanyo ugu wareejiyay Muuse Biixi cabdi Kursiga gudoomiyenimada Xisbiga Kulmiye markii uu doorashada Madaxtooyada ku guulaystay 2010kii;\

Sidoo kale waxa gudoomiye kuxigeenka Xisbiga Kulmiye loo sii calaamadiyay in balan adagna lagu galay in laga dhigo Siyaasi Cabdicasiis Maxamed Samaale oo dhawaan saaxada siyaasada ee xisbiga kulmiye dib ugu soo laabtay kadib hugowgii uu kala kulmay hankiisii siyaasadeed ee ahaa Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga kulmiye ka hor intii aanu iscasilin, waxaana daaqada laga saray Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed oo ahaa Gudoomiye Kuxigeenkii Koowaad ee Xisbiga Kulmiye kadib markii gudoomiyenimadii Xisbiga loo cumaamaday Wasiirka Madaxtooyada oo kasoo jeeda Beesha Habar Jeclo gaar ahaan Beesha Muuse Abokor waxaana taas bedelkeeda Maxamed Kaahin Axmed Xisbiga Kulmiye ubalan qaaday Wasiirka Arimaha Gudaha oo waliba loo raaciyay ma dhacaysid,

 

Kulanka Qarsoodiga umuuqday ee lagu qorsheeyay hogaanka Xisbiga Kulmiye ee Muuse Biixi dabadii ayaa waxa garnaqsiga ugu adag soo bandhigay Beesha Muuse abokor ee uu kasoo jeedo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xashi Cabdi oo geed dheer iyo mid gaabanba ufuulay sidii uu mar uun unoqon lahaa gudoomiyaha xisbil Xaakimka Kulmiye si uu mar uu unoqdo Musharax Madaxweyne oo doorashada dalka dhici doonta utartama wuxuu ka helaba,

Sida ay sheegayaan ilaha lagu kalsoonyahay ee aanu warkan ka helay Waxgaradka Beesha Muuse Abokor waxay ku garnaqsadeen inay beelahaan doorkan xaq uleeyihiin in ay noqdaan hogaanka Xisbiga Kulmiye codka doorashadana ay hal daba la usiin doonaan Musharaxa Muuse Biixi cabdi iyo Xisbiga Kulmiye iyaga oo waxgaradku carabaabay in la muujiyo saami qeysi muuqda beel habar jeclo ahaan,

Geesta kale kursiga Gudoomiye Kuxigeenka xisbiga Kulmiye ee Muuse dabadii loo balan qaaday Siyaasi Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaan beel ahaan Habar awal uga tashanin waxse ka taliyay hogaanka xisbiga Kulmiye iyo Madaxweyne Siilanyo oo ka odayeeyay arinkaasi si Siyaasi Cabdicasiis Samaale gacanta loogu hayo ololaha iyo kaabaynka Xisbiga Kulmiyena uu halkii looga bartay uga miiso ee macaa aayada ilaahay uu ku kaabayn garayn jiray doorashooyinka.

Arinkani sida uu umuuqdo waa mid lagu qeybsaday hogaanka Xisbiga Kulmiye hab beelaysan oo utaala beelaha Habar jeclo iyo habar Awal hadaba Habar Jeclo saamigeedii sidii ay aheyd ayay uqeyb satay balse Habar Awal sidii looga baahnaa looma qeybsan ee Beeshii madaxweynenimada doonaysay ee sacad Muuse ayaa hadana kuxigeenkii Xisbiga kulmiye isu cumaamaday oo qadisay Beeshii Ciise Muuse ee Habar Awal oo Kusrsigaas xaq ulahayd iyada oo waliba tanaasulkii aqoonyahan Musharax Jamaal Cali Xueena uu jiro.

Haddaba sidee wax uhagaagayaan hadiiba ay sidaas wax udhacaan yaase dulman yaase xisbinimadii reero iyo beelo ka dhigay hadiise laga dhigay maxaa si siman oo beelaha midoobay usiman loogu qeysan waayay.muxuuse ku dabayn doonaa Xisbnimada kulmiye , Muuse Biixi se Ma wareejinayaa nGudoomiyenimada Xisbiga hadii uu Guulaysto iyo hadii uu Guuldaraystaba 

 

 

Berberatoday,com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews