berberatoday.com
Cuqaasha Iyo Waxgaradka Deegaanka Duruqsi Ee Gobolka Togdheer Oo Taageeray Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi (Daawo Sawiirada kulankan)
November 29, 2016 - Written by Berbera Today

Burco(Berberatoday.com)-Cuqaasha, waxgaradka iyo qoorwaynta degmada Duruqsi ee Gobolka Togdheer, ayaa taageero buuxda la barbar-istaagay xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiisa Madaxweynaha Mudane Muuse Biixi Cabdi.15231739_670257219822055_2031372576_o

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo isaga iyo xubno wasiirro ahi weli ku guda jira safarkii xaaladda abaarta gobollada bari ee ay ku wehelinayeen Madaxweynaha dalka, ayaa kulan ballaadhan oo ay magaalada Burco kula yeesheen shalay cuqaasha iyo waxgarad ka soo jeeda degmada Duruqsi ee Gobolka Togdheer (Reer Caynaanshe/Habaryoonis), waxay isku raaceen taageerada xisbiga KULMIYE, gaar ahaan murrashax Muuse Biixi sidii uu u noqon lahaa Madaxweynaha dalka ee mustaqbalka dhaw.

Madaxdhaqameedka iyo waxgaradka ka qaybgalay kulanka oo tiradoodu ku dhawayd kontan xubnood oo ay hoggaaminayeen shan caaqil oo ka mid ah qoorwaynta deegaanka Duruqsi, ayaa hadallo ay halkaasi ka jeediyeen odayaasha kala ah; Caaqil Maxamed Cali Nuur, Caaqil Axmed Iidaan Yuusuf, Oday Maxamed Cabdillaahi Axmed, Oday Faarax Yuusuf Aadan iyo Oday Saleebaan Xirsi, waxay dhammaantood isku xuseen inay taabacsan yihiin xisbal-xaakimka KULMIYE iyo xukuumaddiisa oo ay ku ammaaneen waxqabadka ay ka hirgelisay dalka, waxaanay hoosta ka xarriiqeen inay taageersan yihiin murrashax Madaxweynaha ee xisbiga Muuse Biixi oo ay tilmaameen inuu yahay nin abaal badan ku leh dalka iyo dadkaba, isla markaana uu yahay ka ugu muddan ee lagu aamini karo talada waddanka xilligan.

Waxa kaloo cuqaasha iyo odayaashu ka warrameen xaaladda dad iyo duunyo ee degaannada ay ka soo jeedaan, si gaar ah waxay u faahfaahiyeen abaarta daran ee jirta iyo saamaynta ay yeelatay.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayeen Wasiirrada Wasaaradaha Warfaafinta iyo Duulista – Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) iyo Farxaan Haybe, Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Qabo, Afhayeenka xisbiga KULMIYE Md. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) iyo Guddoomiyaha KULMIYE ee Gobolka Togdheer Md. Xasan Mataan, ayaa uga mahadceliyey cuqaasha, odayaasha iyo waxgaradka ay la kulmeen taageerada ay u muujiyeen xisbiga iyo murrashaxiisa Madaxweynaha, waxaanay dhankooda uga xog-warrameen gurmadka dawladdu wado ee taakulada lagu gaadhsiinayo dadka ku tabaaloobay abaarta oo wefti ay qayb ka ahaayeen oo Madaxweynuhu hoggaaminayey muddo ka badan toddobaad ku soo mareen inta badan deegaannada abaartu saamaysay ee gobollada bariga Somaliland.15282092_670256949822082_1370471290_n15231739_670257219822055_2031372576_o15227913_670256819822095_403633090_n15218301_670257189822058_1916777058_n15218230_670257173155393_625218108_n15211623_670253233155787_835322162_n15209135_670257109822066_1335594726_n15204223_670257083155402_1631141654_o

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews