Dalka Brazil Diyaarad Sidday Cayaartoy Oo Burburtay
November 29, 2016 - Written by Berbera Today
USA(BErberatoday.com)-Saraakiisha dalka Colombia ayaa sheegay in shan qof oo kaliya
ay ka badbaaday diyaarad ay saarnaayeen 81 qof oo sidday koox kubadda cagta oo ka dhisan dalka Brazil, taasi oo dhacday iyada oo kusii jeeda garoonka diyaaradaha caalamiga ah Medellin.

“Waa musiibo xaddigeedu weyn yahay” Waxaa sidaas yidhi duqa magaalada Medellin Federico Gutierrez Gutierrez oo la hadlay Blu Radio, xilli uu kusii jeeday goobta ay diyaaradda ku dhacday.
Diyaaradda oo horey si kooban ugu soo nagaatay magaalada Santa Cruz ee dalka Bolivia ayaa waxa ay sidday cayaartoyda kooxda heerka koowaad ee Chapecoense ee ka dhisan koonfurta dalka Brazil.