Dawlada Shiinaha Oo $ 1.2 Million Ugu Deeqay Hawlgalka AMISOM Ee Soomaaliya
November 29, 2016 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Dawladda Shiinaha ayaa ugu deeqday $ 1.2 milyan dhinaca dadaallada nabadda ee Soomaaliya. Deeqdan ayaa la siin doona howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) .
Guddoomiyaha Nabadda iyo Ammaanka, Midowga Afrika Smail Chergui, ayaa ku shaaciyay bogiisi twitter ka maalintii Isniintii. ka dib markii heshiiskan ay wada saxiixdeen safiirka matalaya dawlada shiinaha Kuang Weilin.