berberatoday.com
Madaxweynihii Hore Ee Maraykanaka Jimmy Carter Oo Sheegay In Waqti Yar Uhadhsanyahay Obama Oo La Aqoonsado Dawlada Falastiin
November 29, 2016 - Written by Berbera Today

Washington(Berberatoday.com)-Madaxweynihii hore ee Mareykanka Jimmy Carter ayaa muujiyay in Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama “ay muhiim tahay in la aqoonsado Palestine” ka hor inta Donald Trump uu la wareegin xukunka Aqalka Cad.1

“Waxaan aaminsanahay in Maraykanka ay weli hagaajin karaan mustaqbalka iskahorimaadka Israel-Falastiiniyiinta ka hor inta isbedel lagu sameeynin Madaxweynayaasha, laakiin waqtiga waa mid aad u gaaban,” ayuu u sheegay 92-sano jirka madaxweynihii hore wargayska New York Times, oo lagu daabacay Isniintii.

Maamulka Obama ayaa ku hawlan dadaalka in xal loo helo laba-dal -xilligiisa laakiin aan waxba ka qaban iyada oo taliska Israel ay wali ku hadhsantahay isla weynida ee siyaasadaha ballaaran iyo sidoo kale xadgudubyada daran ay u gaysanayaan dadka Falastiiniyiinta.

“Tallaabada ugu fudud laakiin muhiim u ah maamulka Obama waa in ay qaataan go’aanka ka hor inta ay muddadiisa dhamaanin bisha Jan 20 in la siiyo aqoonsi diblomaasiyadeed gobolka Falastiin, sida ay 137 dal ay hore u sameeyeen, iyo inay ka caawiyaan inay helaan aqoonsi buuxda oo xubin ka mid ah Qaramada Midoobay,” ayuu sheegay madaxweynihii 39aad ee Mareykanka.

Waxa uu ka cawday in “Israa’iil ay ka dhisayso degsiimooyinka aad u badan, ay barakicinayaan Falastiin islamarkaana ay sii balaarinayaan gumaysiga dhulka Falastiin.

In ka badan 4.5 milyan oo Falastiin ayaa ku nool dhulalka la haysto, laakiin aan ahayn muwaadiniin Israa’iil ah. Inta badan waxay ku hoos nool yihiin xukunka military ee Israel, mana ka codeeyaan doorashooyinka qaranka Israa’iil.

” Carter ayaa ku daray inuu “aaminsanyahay in aqoonsiga dowlad ay u madaxbanaantahay Falastiin “ay ka dhigi laheed hawl yar” in dalalka kale inay raacaan, islamarkaana wadada u xaareesa go’aanka Golaha Ammaanka ee mustaqbalka ee khilaafka Israel-Falastiiniyiinta.”

234

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews