berberatoday.com
Masuuliyiin La Sheegay Inay Miisaan Siyaasaddeed Ku Lahaayeen Xisbiga Waddani Laantiisa Manchester Ee Dalka Uk Oo Ku Biiray Xisbiga Kulmiye
November 29, 2016 - Written by Berbera Today

opLondon(Berberatoday.com)-Xubnaha gudiga fulinta,hawl-wadeena laanta iyo taageerayaasha xisbiga kulmiye ee Great Manchester oo uu hor kacaayo Gudoomiyaha laanta Eng Jaamac Cali Faarax ayaa waxay xaflad meeqaamkeedu sareeyo ay ku qaabileen masuuliyiin culculus oo ka soo diga-rogtay Laanta Xisbiga WADDANI ee Great Manchester, kuwaasoo ahaa Xubnihii tiir-dhexaadka u ahaa Laanta Xisbiga WADDANI ee Great Manchester.
Sidoo kale, waxa ku wehelinnaayay Masuul sarre oo ka tirsan Xisbiga UCID Mustafe Saleebaan Kaahin Raamalay (Mustafe Sandheere) Waxaa iyaguna munaasibadaa kala qayb galay reer Manchester wafti ka socda Xarunta Dhexe ee xisbiga waftigaasoo ka koobnaa Gudoomiyaha Cilmi baadhista iyo tiknoolajiyada xisbiga kulmiye Uk Mudane Kayse Geele Xidig, Axmed Maxamuud Cige (Axmed-Askari) iyo Madaxa Warbaahinta Xisbiga Kulmiye Uk Yaasiin Faarax Jees kuwaasoo magaalada ku yimi kormeer shaqo oo ay ugu kuur galayeen laanta iyo siday u shaqayso sidoo kalena qayb ka ah Socdaal dhamaan gobolada lagu marayo si loo dardar geliyo hawlaha Laamaha taasoo diyaar kama dambaysa loo gelaayo sidii Kaalin wax ku oola looga qaadan lahaa ku guulaysashada tartanka doorasho ee xisbigu la gelayo xisbiyada qaranka ee ku baratamayaan hogaanka dalka hadii alle idmo 27 March 2917, masuuliyiintaasoo iyaguna madasha ku matalayay dhamaan xubnaha gudiga fulinta Uk iyo guud ahaanba xisbiga oo ay waajib ahayd inay qaybta gudi fulin ahaan kala gudboon ka qaataan munaasibadaa lagu soo dhawaynaayay masuuliyiinta wadani ka soo diga-rogtay runtiina si xilkasnimo leh ayay waajibaadkaa u guteen waana mid xisbiga iyo laantuba ogtahay looguna mahadnaqayo iyagoo shaqo u socday ay hadana hawl karno muujiyeen oo hawl kale oo danaha xisbiga horumarinaysa ay qaybtooda si hagrasho la’aana iyo daacadnimaa u gutaan iyadoo masuuliyiinta xisbiga ku soo biiray ay qayba ka noqonayeen dedaalada làantu samaysay ee Waftiga kormeerka Ahi arkeen!
Sidoo kale waxaa iyana shirka Marti ku ahaa Gudoomiyaha Laanta Shafiel ee xisbiga kulmiye Mudane Yaasiin Carbooshe, Bare Awgaab iyo Maxamed Yusuf oo ah odayaasha Musdambeedka xisbiga kulmiye ee Shafiel kuwasoo kala qayb galay reer Manchester soo dhawaynta xubnaha ku soo biiray iyagoo madasha ka jeediyay hadalo dardaalin iyo hogo tusaalayn u ah dhamaan xubnaha masuuliyiinta laanta iyo kuwa xisbiga lagu soo dhawaynayayba kuwaasoo daaraa sidii hawlaha xisbiga kor loogu sii qaadi lahaa laguna sii xoojin lahaa cududa taageerayaasha xisbiga kulmiye gudo iyo dibad.
Kadib soo dhawayn niyad-samiya iyo mahadnaq balaadhan oo loogu mahadnaqayo inay kulmiye wax la qayb sadaan kana mid noqdaan. Waxaa Iyana guud ahaan isku dareen iyo aragtiba kaga midaysnaayeen in goaan qaadashadii saxa ahayd ee ay ku asiibeen in xisbiga kulmiye yahay xisbiga mar labaad umada hor imanaya isagoo doorasho galaya soona fuliyay wixii uu balan qaaday ee doorashadii hore codka lagu siiyay kuwaasoo ah waxqabad muuqda oo aan Laysku dhaafsan karin xisbi la tijaabiyay oo waxqabad la taban karo shacabka la hor imanaya iyo mid doorashadii madaxtanimo ee ugu horaysay hada galaya halka ucid laba doorasho musharaxii guul daraystay soo taagan yahay sidaa daraadeed waxay Masuuliyiintaasi madasha ka cadeeyeen in aanay degdegin markii ay saluugeen xisbigii ay ka tirsanaayeen balse ay qiimayn xaqiiqo ku fadhida xaqiraadna ka reeban inay guusha kulmiye ku raacaan taasoo indhihii caafimaad qabaa arkayaan.
Masuuliyiintan oo kalaa ahaa Gudoomiyihii laanta WADANI ee Great Manchester Cabdiraxmaan Abiib Xadi, Ismaaciil Goox Axmed Xoghayihii WADANI ee Great Manchester iyo Mubarak Cabdi Balcad Afyajyeenkii WADANI ee Great Manchester Waxaa Isna Soo dhawaynta iyo ku biirista ka mid ahaa Mustafe Saleebaan Kaahin Raamalay dhamaan waxay ka mahad celiyeen soo dhawayntii diiranayd ee lagu qaabilay waxaanay balan qaadeen inay waayo aragnimo iyo wax kastoo arin iyo Aduunba ay la garab istaagayaan gaar ahaan laanta Great Manchester iyo guud ahaanba Xisbi Xaakimka Kulmiye kuwaasoo hadaladoodii oo dhamays tiran laga daawan doono Tv ga qaranka oo munaasibada ka qayb galay.
Afhayeenka Xisbiga KULMIYE Laanta Great Manchester
Max.ud Axmed Saxar (Xaaji-hoos)

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews