berberatoday.com
Oday Soomaaliyeed Oo Ka Sheekeeyey Qisooyin Kasoo Maray 39-Haween ah Oo Uu Soo Guursaday Iyo Raacdadiisa Xaaskii 40-aad
November 29, 2016 - Written by Berbera Today

“Weli ma hayo mid aan dabacadeeda u bogo, waxana aan kala garan la’ahay gabadhii aan doonayey inay dhimatay, inaanay dhalan iyo in nin kale qabo”Oday Amiir Cali Dhagas

oday-dhagasQardho(Berberatoday.com)-Oday Amiir Cali Dhagas waa oday Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Qardho ee gobolka Karkaar ee maamul-goboleedka Puntland, ayaa shaaca ka qaaday inuu meher ku xidhay 39-dumar soomaaliyeed ah, isla-markaana uu furay oo dallaqay 38 kamid ah haweenkaas.

Oday Amiir Cali Dhagas oo isaga oo Qardho joogo u warramay qaar kamid ah warbaahinta, ayaa caddeeyey inuu xilligan raadinayo xaaskii 40-aad ee uu mehersado inta uu nool yahay, waxana uu sharraxay sababta keentay inuu haweenkaas tirada badan ee uu hore u guursaday iska furo,“anigu waxan guursaday 39-dumar ah, imkina waxan raadinayaa middii 40-aad, weligayna gabadh dalqad wax ka badan kumaan furin, dalqaddaasna kuma rajacsan, naagina haddii ay I tidhaahdo I fur weligay ma qabin” ayuu yidhi Oday Amiir Cali Dhagas.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, ayaa ka sheekeeyey mid kamid ah asbaabtii uu ku furay xaas  kamid ahayd haweenka uu hore usoo guursaday, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Afkeedaba haddii ay ifur kasoo baxdo anigu kuma noqdo oo macasalaama ayaan idhaahdaa, meherkaagiina waa kaas, hadda ka horna aniga oo aroos ku jira  in aniga oo reer usoo garnaqaya ay  xaaskaygii itidhi maxaad caawa saacaddan ku gaadhay markii aan u sheegayna ay tidhi nin soo garnaqayey aniga ha ifuro anna waan furay.”

Waxa uu sharraxay tirada haweenka uu soo guursaday, intooda rag hore uga horreeyeen(carmal) iyo weliba intooda uu gashaantinimo ku guursaday, isagoo ku adkaystay inaanu weli haynin gabadhii uu raadinayey,“Anigu waxan guursaday 15-gadhaantimo ah 23-carmal ahaa, tan imika joogta iyo mid iga dhimatay mooyaane, welina ma hayo mid aan dabacadeeda u bogo, waxana aan kala garan la’ahay gabadhii aan doonayey inay dhimatay, inaanay dhalin iyo in nin kale qabo”ayuu yidhi Oday Amiir Cali Dhagas.

Amiir Cali Dhagas waxa uu shaaciyey inuu haatan ku jiro da’da lixdameeyada, isla-markaana uu weli xiiso gaar ah u qabo inuu sii wato haweenka uu guursanayo, waxana uu yidhi,“Imika da’da lixdanka(60) ayaan ku jiraaa welina kaw ma joogo oo waxan u haystaa inaan soddon jir ahay, qaar badan oo buugaag sitana waan ka reebi lahaa.”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews