berberatoday.com
Xaggay Ku Danbeysay Waxbarashaddii Bilaashka Ahayd Ee Xukuumadda M/weyne Siilaanyo hore Ugu Dhawaaqday+ Xaalad Cakiran oo ka dhex taagan Maamulayaasha Dugsiyadda iyo Dadka Dan-yarta ah ee Caruurtoodu dhigato Iskuulka Dawladda Oo Bishiba Laga Qaado $2.5 Dollat Iyo Tayo-xumo hadheysay
November 29, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Muran xoogan iyo guux maalin-ba maainta ka danbeysa isa-soo tarayaa ayaa u dhexeeya Waalidiinta Ardayda dhigatada Iskuuladda Dawladda iyo Maamulayaasha Dugsiyadda dawliga ah ee Somaliland. Murankaas oo salka ku haya tayo-xumo lasoo deristay Ardayda iyo sidoo kale dhaqaale laga qaado Ardayda dhigata Iskuuladaa.

Qaar kamid ah Waalidiinta ka cabanaysaa Tayo-xumada waxbarashadda Dawlada iyo xaddi dhaqaale oo laga qaado ayaa shabakadda Warar ee Xogreebnews u caddeeyey inaanay haba-yaraatee waxba ka jirin in Waxbarashadda dawladdu gacanta ku haysa ee Dawladdu ahayn bilaash, balse laga qaado dhaqaale aad u badan, kaasoo aanay awoodin dadka dan yarta ahi.

Sidoo kalena Waalidiintaa ayaa sheegay in Macalimiinta waxka bara Iskuuladda Dawladdu ay gabi-ahaanba joojiyeen inay waxku dhigaan Samuuradda, arrinkaas bedelkeedana waxa ay sheegeen inay ka dhigeen in Ardaydu Iibsato Buugaagta Maadooyinka oo daabacan, kuwasoo Marka uu macalinku u dhiggaayo aanu cashar Samuurad ugu qorin, hase-yeeshee Macalimiintu Ardayda ku wargeliyaan inay lasoo baxan casharrada oo Buuga looga marinaayo.

Arrintaas oo sida ay sheegeen Ardayda ku ridday inaanay isku hawlin inay wax qoraan ama sameeyan Feygar, balse Ardaydaydu qaarkood ka luman, qaarna jeexjeexan, kuwo kalena Aanay Iibsan karinbaa. Xadiga Lacagta ee laga qaado Iskuuladda Dawliga ah ee Hoose, dhexe ayaa lagu sheegay $2.5 Laba Dollar iyo badh.

Inkastoo ay hore Dawladdu u sheegtay inay Waxbarashada ay gacanta ku haysaa tahay Bilaash ayaa haddana Iskuuladda Dawladda waxa laga qaada dhaqaale lamid ah kii laga qaadi jiray markii Xukuumadda tallada haysaa ku dhawaaqday inay waxbarashadda Iskuuladda Dawladda ka dhigayso kuwo Biilash ah, sii cid kastaaba caruurteeda wax u bari karto. Hase-yeeshee qorshahaasi waxa uu noqday mid beenoobay, isla markaana aanay jirin wax waxbarasho ah oo bilaash ah oo ay shacabka reer Somaliland heleen, sidoo kalena waxay bulshada caruurtoodu dhigata iskuuladda dawladdu ku jaho-wareereen Lacagtanlaga qaadaayo Ardaydooda Meesha ay ku dhacdo, maadaama oo mar kastaa dawladdu leedahay waxan Waxbaraashadda ka dhignay Bilaashe, hadana dadweynihii weli laga qaado Lacagta, arrimahaas ayaa sababay inay in badan muraano iyo is jiid-jiidad dhex maro Maamulayaasha, Macalimiinta iyo dadka danyarta ah ee caruurtoodu dhigato.

Waxa kaloo intaa sii dheer inay waxbarashadda dugsiyadda Dawladdu hoos u sii socoto tan iyo markii wasiiradda Maaliyadda hadda ah ay wasaaradda waxbarashadda ka tagtay. Iyadoo uu wasiirkan hadda wasaaradda haysta yahay kii ugu liitay ee soo mara W. waxbarashadda. Si kastaba ha ahaatee, Xukuumadda Somaliland ayaa looga fadhiyaa inay Wasaaradda Waxbarashadda u dejiso Qorshe Sax, isla markaana dadka u sheegto inay Waxbarashadda dawladdu tahay Lacag iyo sababta uu u hirgeli waayey dhawaaqii Xukuumaddu hore ugu sheegtay inay waxbarashadda dawladdu bilaash ka dhigeen. Sidoo kale waxa Xukuumadda looga fadhiyaa inay ka badheedho hadii ay dhaqaale kusoo rogtay waxbarashadeeda oo aanay u kala bixin Macalimiinta iyo Dadka dan yarta ah ee iyagu caruurahooddu dhigtaan Iskuuladda Dawladda. Maadaama oo dadka dhaqaale ahaan noloshooddu kobocsan tahay ay Caruurtooda geeyaan Iskuuladda gaarka loo leeyahay oo tayo ahaan ka waxbarasho wanaagsan kuwa dawladda isla markaana ay caruurtoodu hesho waxbarasho iyo barbarian wanaagsan. La soco.

 

Xigasho Xogreebnews.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews