Aqalka Cad Oo Diiday Go,aan Uu Ku Dhawaaqay Madaxwaynaha La Doortay Ee Donald Trump A
November 30, 2016 - Written by Berbera Today
Washington(Berberatoday.com)-Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa diiday soo jeedinta ka timid madaxweynaha la doortay ee Mareykanka ee ahayd in la ciqaabo dadka guba calanka Mareykanka.
Donald Trump ayaa talaadadii bartiisa twitter-ka soo dhigay “Cidna ma ahan in loo ogolaado inay gubto calanka Mareykanka – Haddii sidaas ay sameeyaan waa inay jirtaa ciqaab, sida in muwaadannimada laga qaado ama sanad xabsiga la dhigo”