berberatoday.com
Badhasaabka Gobolka Sool Ramaax Cali Hayste Oo Magaalada Berbera Qadar Saacado Ah Xidhay Fanaanka Cabdihani Xaashi Cabdillahi Iyo Sababta Keentay!
November 30, 2016 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Badhasaabka Gobolka Sool Maxamud Cali Salebaan Ramaax Ayaa Maanta(Shalay) Magaalada Berbera Mudo dhawr Saacadood ah Ku xidhey Saldhiga Dhexe Ee Magaalada Berbera Fanaanka Caanka ah ee Cabdihani Xaashi C.laahi Oo Xiligaasi Barnaamij Ama MUQAAL iskaga duubayey Dhinaca Xeebta Batalaale.
Ramaax Oo Xabsiga Dhigey Fanaanka cabdihani
Xadhiga Fanaanka Oo Shabakada Mandheera ay u xaqiijiyeen Dad kadhawaa GOOBTII laga xidhey fanaanka Oo Magacooda ka cudur daartey,ayaa ka dhawaajiyey in Badhasaabka Gobolka Sool Ramaax Cali Hayste uu Maanta Duhurkii uu Xabsiga u taxaabey Fanaankan Cabdihani Isago Xadhigiisa u daliishadey inuu Baabuur uu Watey Fanaanku uu Ciid ku saydhiyey,sidaasi awgeedna uu Askartiisa ku amrey iney xidhaan Fanaanka iyo gaadhiga uu Wateyba,

waxaana Sidoo kale goob jogayashaasi ay intaasi ku ladheen in Fanaanku Aanu gaadhigiisu wax dhibaato ah Aanu gaysan balse Gudoomiyaha Gobolka Sool uu Xadhiga Fanaanka uu Sabab uga dhigay inuu Fanaanku uu gaadhiga ku wadey Xawaare aad u sareeya.

Fanaanka Cabdihani Xaashi C.laahi Ayaa ku Xidhnaa Saldhiga Dhexe Ee Berbera Qadar Dhawr Saacadood waxaana lasiidaayey Goor Dambe, kadib Markii siideyntiisa ay Ka qayb Qateen Badhasaabka Gobolka Saaxil iyo Masuuliyiin kale kuwaasi Oo Siweyn isugu Hawley in Fanaanku Xoriyadiisa uu dib u Helo.

Si kasta ha ahatee Xadhiga Fanaanka Ka tirsan Kooxda Xidiga Geeska Ayaa ku Soo beegmay Xili dhawaan sidan Oo kale uu Badhasaabka Gobolka Sool Ramaax Cali Hayste uu Magaalada Hargeysa uu Ku xidhey Fanaan kale Oo katirsan Kooxdaasi ,kaasi Oo lagu Magacaabo Maxamed Carab , kaasi oo isaguna Mudo saacado ah Saldhiga kamida kuwa Magaalada Hargeysa ugu Xidhnaa kiis la xidhiidha Baabuur uu Badhasaabka ku ashkateeyey inuu xawaarihisu Sareeyey kadibna uu Camuud ku saydhiyey Badhasaabka Sool Ramaax Cali Hayste.

Isku soowado Duboo Maamulka Kooxda Fanaaniinta Xidiga Geeska ayaan Ilaa Imika aan wax war ah aan kasoo Saarin Xadhiga Badhasaabka Gobolka Sool uu kula Kacey Xubnahani iyo Sababta Keentay Ee xadhigoodu uu daranaa

 

 

Xigasho Mandheeranews.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews